Tuesday, October 6, 2015

Sheekh Aadan-Siiro Oo Shan Hablood oo ka mida Xarunta Agoomaha Ugu Deeqay Shan Kun oo Doollar

 

Hargeysa, 6 October, 2015-(Himilo)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro), ayaa Lacag dhan 5,000 Kun oo Doollar ugu deeqay Shan Hablood oo ka tirsan Xarunta Agoomaha, kuwaasoo uu sheegay inuu ka damqaday duruuf ay ku shaqaynayeen oo Fan iyo Heeso a.

Shantan Hablood ee uu Sheekhu Lacagta ugu Deeqay, ayaa waxa ay ka Heesayeen Xaflad lagu furayey  Jaamacamadda cusub ee Maroodi-jeex International University oo shalay lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Sheekh Aadan-Siiro oo ka damqaday xaaladda ay ku suganyihiin Carruurta ku nool Xarunta Agoomaha iyo Duruufta ku kalliftay Hablahani inay Heesaan,  ayaa waxa uu Shantaasi Hablood ugu bushaareeyay inay iska daayaan Shaqadaasi, isla markaasina uu isagu shaqo u samaynayo Hablahan.

“Waxaa wax laga Xumaado ah Hablaha yaryar ee Agoomaha ah ee aynu ognahay sida ay reerahoodii u noolyihiin ee halkan ka heesaya, waxaan ugu deeqayaa  5kun oo Doollar, waxaanan u abuurayaa shaqo ee ha iska daayaan shaqadan (heesaha).” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro).

Himilomedia

Hargeysa Office

 

No comments:

Post a Comment