Sunday, October 11, 2015
Dhimashada Hal Qof iyo dhaawaca Mid Kale oo ka dhashay Rabshado ka dhacay Ciyaar dhexmaraysay Gobolada Awdal Iyo Maroodijeex + Awdal oo Guulaysatay Iyo Maroodijeex oo Guuldaro la Carowday.
Boorama (Himilo)-Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay mid kalena waa uu ku dhaawacmay rabshado ka dhacay ciyaar adag oo dhexmaraysay gobolada Awdal iyo Maroodijeex.
Wararka naga soo gaadhaya Magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama waxaa ay sheegayaan in rabshadahani ay ka dhasheen kadib markii xulka Gobolka Maroodijeex oo Ciyaarta ku hogaaminayay Hal iyo Eber uu garsooraha ciyaarta maamulayay laaga Xorta ah u dhigay gobolka Awdal dhamaadkii qaybtii labaad ee Ciyaarta.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in xulka gobolka Maroodijeex oo garoonka iskaga baxay kadib markii uu ka biyo diiday rigoodhaha oo garsooruhu qabtay.
Ciidamada booliiska ayaa rasaas ay ku fureen taageerayaasha garoonka rabshada ka waday waxaa ay sababtay dhimashada Hal Qof iyo dhaawaca qof kale.
Xidhiidhka ciyaaraha kubada Cagta Somaliland go’aan ay kasoo saareen markii ciyaartaasi rabshado u joogsatay ciyaaryahanadii gobolka Maroodijeexna diideen in gobolka Awdal laagto rikoodhaha waxaa ay go’aan ku gaadheen in xulka Gobolka Awdal uu ciyaartaasi ku guulaystay maadaama xulka gobolka Maroodijeex garoonka ka dareeray.
Wixii warar ah ee kasoo kordha khasaaraha ciyaartan kala Soco Himilo Media.com
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment