Sunday, October 11, 2015
Wiil uu dhaley Madaxwaynihii Hore Uganda Idi Amini Dada Oo ka Mid Ciidamada Somaliya.
Muqdisho (Himilo)-Warbixin ciwaan looga dhigay ‘I am my Father’s son’ oo lagu daabacay wargeyska saddex biloodlaha ah ee AMISOM ayaa lagu xusay in wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Uganda Idi Amin Dada uu ka tirsan yahay ciidamada qalabka sida ee dowladda Somalia.
Maxamed Amin oo 41-jir ah ayaa ka mid ah saraakiisha ciidamada dawladda Soomaaliya, waxaan dhashay hooyo Somali ah oo lagu magacaabo, Khadiijo Aadan Ibraahim Maxamed sannadkii 1974-kii.
Khadiija iyo Idi Amin ayaa waxay is-guursadeen horraantii sannadkii 1970-kii, intii Idi Amin uu ahaa madaxweynaha Uganda oo uu u xukuamayay 1970-kii illaa 1979-kii.
“Markii aan koray, ma aanan garanayn cidda uu ahaa abbahay. Balse hooyada waxay ii sheegi jirtay inaan ka mid ahayn qoyska Idi Amin Dada. Waxay sidoo kale ii sheegtay inay guursatay,” ayuu yidhi Maxamed Idi Amin.
Sidoo kale, Maxamed ayaa sheegay in aabihii uusan arkin caruurnimadiisii, maqnaashaha aabbahood awgeedna ay isaga iyo walaashii la dhalatay ay reer abtidood soo koriyeen.
“Hooyadey intii aan caruurta ahayn wax badan noogama sheekeyn jirin, laakiin dadka ayaa inta bada ii sheegi jiray inaan u ekahay aabbahay Idi Amin,” ayuu yidhi Maxamed Amin oo wareysi siinayay Wargeyska AMISOM.
Maxamed Idi Amin wuxuu sheegay meelaha qaarkood uga eg-yahay aabbihii, isagoo yidhi. “Maalin maalmaha ka mid ah anigoo raba inaan galo madaxtooyada Somaliya ayaa waxaa i joojiyay ciidamada ilaalada madaxtooyada, waxay i weydiiyay inaan tuso baasaboorkeyga, iyagoo i moodayay inaan ahay Ugandan, balse waxaan u sheegay inaan ka tirsan ciidamada xoogga dalka, anigoo Af Soomaali kula hadlay, markaas ayay i raalli-geliyeen oo ay isii-daayeen.”
HIMILOMEDIA
HARGEYSA OFFICE
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment