Noloshu cusub ayey iila ekoonaatay, Indho kul kulul oo soo taaggan, ayay igu soo eegtay; cataw iyo callaacal ayaa iga soo hadhay. Wax la ii sawiray. Sawir jaan oo riyo ah, runnimadiisana aannan wali xaqiiqsan. Iimaanku iga maqan, Shalay maahee dorraad ayuu I nabad galyeeyay. Faq aannu yeelannay saaxiibkay ayaa laygu durreeyay, oo layga raacay. Ma saalloonni waayadanba. Layguma soo dhowaan, Goraygu waa iga hadaafay, Nin sixran oon falnayni waa ani. Lurka maan geddiga igu keenay, waa oddoroska falanqayn ladh aannu si kama’ ah ugu soo darnay, iyo si u araggayga nolosha. Tashi iyo tallo mid ay ahaydba, go’aan aan jujuub ahayn ayaannu wada qaadannay. Hiyi kac hadoodil ka madhan yahay, ayaa igu jira. Tahriib! Waa go’aankan aannay wax kale ii soo raacin. Is biimee. Haa! dhaaf halkani, Maxaa ku dhigay? Ma waxbaa yaalla? Waa waydiimaha aan is waydiinayo. Guntay, haabkana galiyay. Waxaan martiyaaba, waa anbabaxayga. Farxad, rayn rayn, damaashaad, dhoolla cadayn iyo fur-furnaan xad dhaafa ayaan dareemayaa maanta. Hargaysa mug-weyn waa maalinkaan macasalaamaynayay. Qorshehaygu ii dhan. Wax ii dhiman haw fadhin, Dhaqaaq mooyee. U boqoolay kob iyo cid aanan garanayn; warna iigu laaban yahay. Saaxiibka safarkan igu lammaani waa magafe. Magafe waa saaxiibkayga beryahan, Isagaa ii miciin ah indhahayga iyo garashaddaydayduba waa isaga. Isagaa I wata. Ninka la wattaa waa ani. Miyaad ka hilmaami? Salleello! Wadashadu ma tan caadiga ah? Waar ninku muxuu leeyahay? La hayste isagu ciddan haysata is mulkisiiyay ayaan ahay. Aabbahaa la gub! Dabinka anaa isku soo riday. Allow ma been? May. Xaasha! Halkaas ayaannu safar ka wada bilownay, ani iyo magafe. Safar ay rejadiisu cirka ku laallan tahay. Durtaba safarku igu qaabil weji dedan oo ad-adayg ka muuqdo. Karaha iyo dhibka aan maxbuuska u noqday, waxa igaga daran karaammo seegga; Cadaab yar ayaan ku jiraa. Tahriibku tolow ma kanaa? Cajaba Rabbi! iyaa? Walloonan male kan u dhowna, aannan haysan. Ma sidan ayaan moodayay? Haddaan sidan moodayo, saw barwaaqadaydii ‘nimcatul fushuuqqa’-ahayd maan iskaga jireen. Aheey ah! “Talo waa mar aad gaadhi waydo, iyo maraad garan waydo,” saw maahmaah soomaaliyeed may ahayn? garan waayay anigu. Hadda ayaannu is aragnay noloshii aan ka cararayay. Belo! Allow magan. Itoobiya iyo suudaan wixii iga soo maray Salleello weeye. Hadduun baan ba’aygii badhtanka u soo galay. Saxaraha Liibiya ayaan kuududaa saaka. Milicda hawada qallalani ii raacday ayaa I hafiyay bilowgiiba. Darxumo, basan-baas, iyo car-caraafka eedaadku ku sidkan yahay, wehelkayga koowaad ayaan ku tiriyaa; Saaxiibkayga saxaruhu waa iyaga. Jal is daynay. Jidiin waxaan marshaa ma jiro, Candhuuf yar ayaan cunaha ku camcaminayaa. Ooggadaydii sarena, waa is geddiday. Timahaygii jalaqsanaa een carbin jiray waxaan injir u maleeyay, ayaa galay. Afkii shan taako iga horree. Jarreexme gacmahaygii. Balan-balay, Eedaad se iima dhinna. Lalabkaygii waayaha, labac-labac maku yaraystay? Jibbadaydii raacdaynta nolol wacan, jibaad ma ka gadaal noqday? Laxaadkaygii mutaxnaa, ma leeg-leeganayaa? Yoolkaygii yurub ahaa sidii maw yaboohshaa? Saxaraha Liibiya hadda maku kala qalanahay? Naftii kobtaas maygaga gurmaysaa? Meeshaas maku abaaday? Aakhiro seeg ma noqday? Oon, harraad, gaajo iyo fug ku haynta (karbaashka,iyo dilista) magafaha mala liitaa? Sillic iyo bayhoof mawgu le’enayaa Liibiya? Iimaanku aad yar aad yar, maygu soo degayaa? Hadda waan yaqiinsaday, inay gaajadu gondahaygahayga taallo! Gaajada ka dheeree oo Tahriib baa ibo fur dhawaaq I hoday, halakeeyay naftayda
. W/Q: Abokor Jirde Cabdi
Email: Abokorjirde@gmail.com
Facebook: Wariye Abokor Jirde Hargaysa, Somaliland
Himilomedia.com
No comments:
Post a Comment