Saturday, October 3, 2015
Xildhibaan Kijaandhe Oo Ku Dhawaaqay Inuu u Tartamayo Loolanka loogu jiro Jagada Madaxwaynanimo ee KULMIYE.
Hargeysa 3 ,October 2015(Himilo)-Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta si rasmiya u shaaciyay inuu ku tartamayo jagada musharaxa madaxwaynanimo ee Xisbiga KULMIYE.
Munaasibad balaadhan oo lagu shaacinayay musharaxnimada xildhibaan Axmed Kijaandhe oo ay kasoo qayb galeen Xildhibaano, salaadiin iyo dad tiro badan oo maanta ka dhacday magaalada Hargeysa, ayaa waxaa uu xildhibaan ku shaaciyay inuu ku tartamayo jagada musharaxa madaxwaynanimo ee xisbiga KULMIYE.
Xildhibaan Kijaandhe waxaa uu sheegay inuu xaq u leeyahay iska sharaxida xisbiga Kulmiye maadaama buu yidhi aan ka mid ahaa aasaasayaashii xisbigaasi , islamarkaana la joogo wakhtigii aan iska soo sharaxi lahaa.
“Waxaan idiin ku yeedhay, inaan maanta halkan ka cadeeyo inaan u taaganahy musharaxnimada madaxwayne Ee xisbiga KULMIYE dhexdiisa lagu tartamayo, Runtii anigu waxaan ka mid ahay aasaasayaashii xisbiga Kulmiye, Waxaan ka mid ahaa Xubnihii lagu yidhi waxaad soo diwaangalisaan 500 ee qof markaa maanta waxaa la joogaa wakhtigii aan iska sharaxi lahaa”Sidaasi Ayuu Yidhi Xildhibaan Kijaandhe.
Tan iyo markii lagu dhawaaqay wakhtiga uu qabsoomayo shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa waxaa isasoo taraya musharaxnimada siyaasiyiinta hunguri ka hayo tartanka musharaxa madaxtinimo ee xisbigaasi, iyadoo ilaa iyo imika inta la ogyahay ay u sharaxan yihiin jagada madaxtinimo ee Kulmiye Shan Musharax.
HIMILOMEDIA
HARGEYSA OFFICE
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment