Shirka labaad waxa uu ahaa shirkii ugu horreeyay ka dhaca Afrika kuna saabsanaa isu imaantinkii ugu horreeyay ee si cilmiyaysan loogaga hadalo Hirgalinta sharciyada deegaanka si loo xoojiyo Maamul-wanaagga, Caddaaladda iyo Sharciga Deegaanka, kaasoo Caasimadda Kenya ee Nairobi ka furmay 14-kii bishan, illaa 16-ka Octoober ka socon doona. Waxaana soo qaban qaabiyay UNEP, Konrad Adenauer Stiftung iyo Machadaka Tabobbarka Garsoorka ee Kenya.Shirka hore waxa maalintiisa hore ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Waddanka Kenya Dr. Willy Mutunga. Waxaanu ka jeediyay khudbadii furtiaanka oo gudibinaysay farriin ah in haddii Afrika xagga sharciga isu furto in ay khibradooda is waydaarsan doonaan, isla markaana la heli doono wada-shaqayn fiican iyo Caddaaladda oo sare u kacda.
Waxa isaguna Kalamadii furitaanka ka jeediyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed, isagoo ka jeediyaya khudbadan gubinaysay farriin ah in Afrika aan isku meel taagnayn, balse wax la kala baran karo sidaa awgeed waxa muhiim ah in laga yeesho Qorshe iyo siyaasad cad Guud ahaan Afrika iyo Qaybaheeda kale duwan ba .
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu kulan gaaban la qaatay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya iyaga oo ku ballamay in ay kulan dheer isugu yimaaddaan Maalinta Khamiista ee 15 Octoobar ee maanta si ay ugu sheekaystaan iskaashi iyo walliba sidii ay Somaliland wax uga baran lahayd nidaamka Garsoorka Kenya oo aad u hor marsan.
Shirka labaad waxa uu ku saabsanaa Hirgalinta sharciyada iyo Siyaasadaha Ilaalinta Deegaanka oo waxa hogaaminaayay Hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobay Xaga deegaanka ee UNEP. Macluumaadka ku saabsan shirkan waxa laga heli karaa link hoos ku yaala.
Gebagebadii Shirka hore waxa la isla qaatay in dawladaha Barig Africa ay samaystaan isku xidh iyo qorshe ay isku kaashaadaan xaga isu gudbinta sharciga iyo Go’aammada Garsoorka. Shirka labaadna waxa la rejaynayaa in ay ka soo baxaan qodobba Afrika ay sharciyada Deegaanka ku hergaliyaan oo la isla oggol yahay.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment