Hargeysa, 15 October, 2015-(Himilo)- Sarkaal u hadlay guddida qabashada Xajka ee dawladda Sucuudiga ayaa sheegay in kumanaan ka mid ah xujaajtii sanadkan ka timid Soomaaliya diideen inay dalkooda dib ugu noqdaan, markii ay dhammaysteen waajibaadka Xajka, waxaanu sheegay in inka badan boqolkiiba soddon codsanayaan joogitaanka boqortooyada Sucuudiga.
Warbixin uu daabacay wargeyska Al-wadan (Alwatan) ee Sucuudiga ayaa lagu sheegay in xaalado ammaan darro iyo dhaqaale xumo oo ka jirta Soomaaliya ay kumanaan Xujaajta Soomaalida ahi codsanayaan in Sucuudiga deganaansho laga siiyo.
Sanadkan waxaa Soomaaliya Xajka ka tagay Toddoba kun laba boqol iyo siddeetan (7280) Xaaji, kuwaasi oo laba kun iyo laba boqo sagaashan iyo laba xaajil (2,292) oo ka mid ahi diideen inay Soomaaliya ku noqdaan, deganaanshana waydiisteen boqortooyada Sucuudiga.
“31.48% xujaajta Soomaalida sannadkan waxay dalbanayaan inaanay dalkoodii ku noqon ee ay joogaan boqortooyada Sucuudiga, sababtoo ah ammaan darro iyo xaaladda dhaqaale xumo oo dalka ku baahday” ayaa lagu yidhi warbixinta iyadoo la sheegay in xafiiska xajka ee Soomaaliya iyo xujaajtu isku fahmi la yihiin dib u noqoshada, waxaana la sheegay in arrintaasi laga wada hadlay maadaama uu soo dhaw yahay wakhtigii joogitaankoodu kaga eekaa. Sannadkan ayaa la sheegay in Soomaalida ay masiibadii xajka ka dhacday ay kaga dhinteen lix qof.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment