Sunday, October 4, 2015
Isbahaysiga Naato oo qirtay Duqaynta Cusbitaal Boqollaal Qof jiifeen, tirada ku dhimatay iyo Cambaaraynta MSF
Kunduz, 04 October, 2015-(Himilo)- Ugu yaraan 9 Shaqaalaha Hay’adda gargaarka Caafimaadka ee MSF ah, ayaa ku dhintay weerar Cirka ah oo lala eegtay Xarun Caafimaad oo ku taal waddanka Afghanistan. 37 Qof oo kale oo 19 ka mid ahi yihiin Shaqaalaha Hay’adda Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn (Doctors Without Borders) (MSF), ayaa ku dhaawacmay weerarka duqaynta ah.
Hay'adda Dhakhaatiirta aan Xuduudka lahayn ee caalamiga ah ee MSF Masuuliyiin u hadlay, ayaa sheegay in ay aad uga naxeen weerarka iyo dilka Bukaannada Cusbtaal ay leedahay yaallay iyo Shaqaalihii goobtaas Caafimaad ka hawlgalayey oo ku taallay magaalada Kunduz ee dalka Afganistan, ka dib markii diyaaradaha Isbahaysiga Naato duqaymo dhinaca Cirka ah ka fuliyeen halkaas Subaxnimadii Sabtida ee shalay.
Seddax ka mid ah Shaqaalaha Cusbitaalkaas, ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen, balse Hay'adda gargaarka Caafimaadka ee MSF, ayaa sheegtay markii uu dhacayay weerarka Cirka ah aroortii hore ee Sabtidii shalay in xaruntooda dhaawacyadu ay joogeen in ka badan Boqol qof oo Bukaan ah, Caawiyayaal iyo in ka badan 80 Shaqaale isugu jiray Shisheeye iyo Afghanistaniyiin.
Muuqaal Feedyoow ah oo la soo dhigay Internet-ka, ayaa lagu arkay dhismaha qeybta hoose ee Cusbitaalka oo ololeysay iyo qiiq ka baxayay daaqadaha. MSF, ayaa soo dhigtay Barteeda Twitter-ka Sawirrada Shaqaalaheeda oo naxsan iyo hawl Caafimaad oo ka socota qeybaha badbaaday.
Ururka NATO, ayaa sheegay inay suurogal tahay in Cusbitaalka ay haleeshay duqayn Ciidammada Maraykanka ee NATO ka tirsani fulinayeen, halkaasna uu dhaawac badani ka dhashay. NATO ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay baadhayso dhacdadaasi oo lala beegsanayay shakhsiyaad lagu daba jiray.
MSF ayaa sheegtay in dhinayada duqeynta ka dambeeyay ay wargeliyeen goobta isbitaalka uu kaga yaal magalaada Kunduz. Afhayeen u hadlay ciidamada Maraykanka ee Afghanistan Col Brian Tribus ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka ay duqeyn u geysteen magaalada Kunduz iyagoo bartilmaameedsaday shaqsiyaad ammaanka halis gelinaya. Hase ahaatee, Afhayeenka ayaa qirey in ay dhici karto in duqeytu ay waxyeello u geysatay xarun caafimaad oo haatan baadhitaan lagu sameynayo.
HIMILOMEDIA
HARGEYSA OFFICE
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment