Sunday, October 4, 2015

Dawladda Iran oo bilawday daad-guraynta Meydadka Xujaajtii kaga dhimatay Masiibadii Xajka

 

Tehran, 04 October, 2015-(Himilo)- Meydadka Dadkii Xujaajta ahaa ee waddanka Iran kaga dhintay iyagoo ku guda-jira gudashada waajibaadka Xajka ee sannadkan Masiibadii ka dhacday deegaanka Mina oo ku dhaw magaalada Barakaysan ee Makka, ayaa la gaadhsiiyey shalay Caasimadda dalkaas ee Tehran, ka dib markii diyaarado lagaga qaaday Makkah.

Tehran markii la gaadhsiiyey Meydadka Xujaajta reer Iran ee Xajka ku dhintay, ayaa dawladda, Culimada Diinta iyo dadweynaha reer Iran si nidaamsan oo loogu sii talo-galay u qaabbileen Meydadkaas oo si qurux badan loogu shaqlay Calanka dalka Iran, waxaana la aasay markii halkaas lagaga tukaday Salaadda Jinaasada. Meydadkaas oo gaadhaya 104 (Boqol iyo afar qof), ayaa ka mid ah 464 Xujey Iran u dhashay oo ku dhintay Cidhiidhigii ka dhacday Buurta Mina ee Dhagax-tuurka Shaydaanka, maalintii tobnaad ee Ciiddal-Adxada, xilligaasoo ay gudanayeen waajibaadka Xajka.

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani iyo Mas’uuliyiin kale oo Iran ayaa ka qeyb-galay Munaasabad lagu soo dhoweynayay Meydadka oo Ubaxyo la dul-saarayay naxashkaa lagu siday Meydka oo ku huwnaa Calanka Iiraan.

Dawladda Iran, ayaa ku eedeysay dawladda Boqortooyada Sacuudiga Maamul-xumo qaabkii ay u maareysay Xujaajta, taasoo ay ku eedaysay inay maamuli kari weyday Xujaajta, isla markaana ay waajib ku tahay Sucuudigu inuu dusha ku qaado masuuliyadda khasaaraha dhimashada toddoba boqol iyo lixdanka ka badan iyo dhaawac siddeed boqol ka badan oo ka dhashay isbuurashadaas ama cidhiidhigaas ka dhacay Mina. Hase-yeeshee, dawladda Sucuudiga ayaa eedayntaas iska leexisay, isla markaana ku doodday in qaladku ka yimi dhinaca Xujaajta oo aan si fiican u wada raacin calaamadihii loo sameeyey inay raacaan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga Cadil Al-jubeir, ayaa sheegay in Iran ay arrinta Siyaasadeyneyso, isla markaana laga war-sugo baadhitaanka socda. Warbaahinta reer Galbeedka, ayaa sheegaya in tirada dadkii ku dhintay masiibadii Xajka ka dhacday ay ka badan tahay 1,000 Ruux, hase ahaatee dawladda Sacuudiga, ayaa ku adkeysaneysa in tirada guud ee ku dhimatay ay tahay 769 qof.

HIMILOMEDIA

HARGEYSA OFFICE

No comments:

Post a Comment