Boorama (Himilo)- Madaxwaynaha Ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici Ayaa maanta Si Rasimiya u furay tartanka Isreebreebka gobolada Somaliland oo Maanta galinkii dambe ka bilaabmay magaalooyinka Boorama iyo Burco.
Ciyaaraha oo bilawday 04:00pm ee wakhtiga Burco iyo Boorama ayaa waxay ciyaartu ka socotay garoonka kubadda cagta ee Xaaji Daahir ee magaalada Boorama waxay dhex maraysaa gobolada Awdal iyo Hawd, halka magaalada Burco ay kuwada ciyaarayeen gobolka Togdheer iyo gobolka Daadmadheedh.
Ciyaaraha gobolada Somaliland ee Awdal ka furmay ayaa waxaa fooda isku daray gobolada Awdal iyo Hawd, waxaanay Gool 1 iyo 0 Eber guushu ku raacday xulka gobolka Awdal ee marti galiyay wajiga hore ee ciyaaraha gobolada galbeedka.
sidoo kalena magaalada Burco waxaa fooda iskudaray gobolka Togdheer iyo gobolka Daadmadheedh iyadoo guushu 1-0 guushu ku raacday xulka gobolka Daadmadheedh.
Ciyaaraha oo ay ka qayb qaadanayaan 14-ka gobol ee Somaliland ayaa si habsami ah u bilawday, iyadoo gobolada oo dhanna si fiican ugu diyaar garoobeen. Waxaana ciyaaraha gobolada Somaliland ugu dambeysay sanadkii 2013-ka oo gobolka Maroodijeex qaaday sanadkii labaad oo isku xiga.
Maalinta barri ah waxaa Boorama kuwada dheeli doona xulka Maroodijeex iyo Xulka Buuhoodle, halka Burco ay iskaga hor imanayaan xulka Badhan iyo xulka gobolka Xaysimo.
https://www.youtube.com/watch?t=116&v=Dsa59JhGqUI
HIMILOMEDIA
HARGEYSA OFFICE
No comments:
Post a Comment