Monday, October 5, 2015

Maroodijeex International University Oo laga Furay Hargeysa.

Hargeysa 5 October,2015(Himilo)-Jaamacad cusub oo la yidhaahdo Maroodijeex International University ayaa shalay si rasmiya looga furay magaalada Hargeysa.
Xaflada daahfurka Jaamacada oo lagu qabtay Maansoor Huteel waxaa kasoo Qayb galay Wasiiradii hore ee wasaarada maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi, Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiiru dawlaha Maaliyada , Xildhibaano,Guddoomiyaha haayada la dagaalanka AIDSka, Gudddoomiyayaasha jaamacadaha dalka, Xisbiyada Qaranka, Culimo Awdiin, ururada bulshada iyo masuuliyiin kale.
Guddoomiyaha Maroodijeex International University Proffesor Axmed Cabdi Gaas oo ka hadlay daahfurka munaasibadan ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha ku kalifay in ay furaan jaamacadan iyo sida loogu baahanyahay jaamacad dalka kusoo kordhisa aqoon iyo xirfado ay ku shaqaystaan dhalinyarta ka qalin jabinaysa jaamacadaha Dalka.
“ Waxaan salaamayaa Marti sharafta kasoo qaybgashay munaasibadan, Maanta Sharafbay Ii tahay inaad igala soo qayb gashaan furitaanka jaamacadan oo aan filayo inay wax ka qabato dhaliilo farabadan oo aan shakhsi ahaan saddexdii sano iyo badhkii aan jaamacadaha somaliland kasoo shaqaynayay aan kusoo arkay, sidaad idinku dhamaantiinba ogtihiin oo aanay cidi idiin sheegayn waxaa weeyi dal aan la aqoonsanayn baynu nahay, manhajkeenu qudhiisu waxaa uu u baahanyahay in wax laga qabto, ardayda jaamacada imanaysaa diyaar uma aha jaamacad, dawladuna ma hayso Resource ay ardaydaasi ugu diyaariso jaamacad,jaamacadaha qudhoodu diyaar uma ah wixii ka dhigayay jaamacad.”Ayuu Yidhi Guddoomiyaha Jaamacada Marodijex International University.

 

Proffesor Gaas oo hadalkii sii wataana waxaa uu intaasi ku ladhey “Sidaad ogtihiin waxaa uu dalkani goostay inuu la jaanqaado aduunyada,iyo afka ay waxku bartaan oo ah Ingiriisi, waxaa loo baahanyahay in aynu awoodeeda lahaano afka aynu wax ku baranayno, oo markaynu afarsano ka baxno wax qori karnaa oo aynu sheegi karnaa waxaynu doonayno,taasina dhibaato ayaa naga haysatay.”
Guddoomiyaha Maroodijeex International University waxaa uu sheegay in macalimiin shahaadooyin sare wata ay ardayda wax u dhigi doonaan maadaama ay dalka ku yaryihiin macalimiinta waxbarashada sare haysta islamarkaana ay barayaasha jaamacada ka keenayaan dalalka aynu jaarka nahay .
“Jaamacadan waxaanu u raadinay macalimiin PHDyo ah oo inooga imanaya dalka soodaan ee aanu walaalaha nahay sida ay ii sheegeen walaalkeen Aadan Siiriyo, waxaa jira dad kale oo inaka ah oo aduunyada jooga oo cilmi leh oo inoo imanaya, Nairobi Iyo Ethopia waxaanu kala xidhiidhnay dad badan oo nala shaqeeya oo PHDyo ah, markaa Insha alah waxyaabahaasi ayaanu hirgalindoonaa.”Ayuu Yidhi Pro Axmed Cabdi Gaas
Proffesor Axmed Cabdi Gaas waxaa uu baaq u diray daneeyayaasha waxbarashada si looga caawiyo in jaamacada la maalgaliyo islmarkaana loo dhiso sida ay u dhisanyihiin jaamacadaha Dunida si ay ugu soo hirtaan macalimiinta ka imanaysa wadamada kale.
Geesta kale, Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) ayaa ku bogaadiyay maamulka jaamacada cusub dadaalka ay u galeen in jaamacada aqoonta dalka waxka badasha ay ka furaan
Pro Gaasmagaalada Hargeysa Isagoo kala dardaarmay in jaamacadani ay la mid noqoto jaamacadihii hore ee dalka ka jiray.
“Pro Gaas iyo tiimka uu hogaaminayo jaamacada Hargeysa markii loo dhiibay afarta biloodbaa lacag lagu lahaa waanu bixiyay, maalintii uu wareejinayayna waxaa uu wareejiyay afar boqol oo kun iyo jaamacada oo aan waxba lagu lahayn, markaa Pro Gaas iyo kooxdiisu waa dadka noocaas ah. Hormoodka Maroodijeex University waxaan leeyahay Jaamacadii hore ee jiray wax ka wanaagsan keena,”Ayuu Yidhi Sheekh Aadan Siiro.
Wasiiru dawlaha wasaarada Maaliyada Cismaan Siciid Cadaani oo gababadii munaasibadaasi soo xidhay ayaa hambalyo iyo amaan u jeediyay maamulka jaamacada Maroodijeex International University “Waanu Hambalyaynaynaa Axmed Cabdi Gaas, Waxaan ku kalsoonahay oo aanu aaminsanahay khibradeediina uu leeyahay Axmed Cabdi Gaas inaanu Hargeysa iyo meel kaleba Khibradii uu Hargeysa kala kulmay inay wax wayn u tartay ,Waxaan ku kalsoonahay Tiimka uu hogaaminayo Axmed in ay soo saari doonaan mustaqbal beritoole ee Jamhuuriyada Somaliland ay ku faani doonto, Waanu Soo Dhaweynaynaa,waanad ku gaaleysanaysaan adiga iyo tiimkaaguba”Ayuu Yidhi Wasiirul Dawlaha Maaliyada Cismaan Siciid Cadaani.
Wasiirkii Hore ee Maaliyada ,Wasiirku Xigeenkii hore ee qorshaynta, Guddoomiye Ku xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiilada,Guddomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga Waddani, Guddoomiyaha La Dagaalanka AIDSka, Proffesor Bulxan, Guddoomiyayaasha Ururada Bulshada iyo masuuliyiin kale oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa si iskumida usoo dhaweeyay Daahfurka Maroodijeex International University.

 

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment