Tuesday, October 13, 2015
Madaxwayne Siilaanyo oo la kulmaya Jaaliyadda Somaliland ee Ingiriiska & Jamaal Cali Xuseen oo iftiimiyey Meeqaamka Booqashadii Ireland
London, 13 October, 2015-(Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo maalmihii u dabmeeyey Safar ku joogay magaalada London ee waddanka Ingiriiska, ayaa la kulmaya, isla markaana la filayaa inuu Khudbad u jeediyo Jaaliyadda Somaliland ee dalkaas ku dhaqan.
Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa oo ku sugan Magaalada London ee Caasimadda Boqortooyada Britain, ka dib Safar ay ku tageen dalalka Imaaraadka Carabta iyo Ireland, ayaa waxay la kulmayaan Jaaliyadda Somaliland ee Ingiriiska 17-ka bishan October ee aynu ku jirno oo ku beegan Salaasada toddobaadka dambe, sida lagu sheegay Ogeysiis arrintaa la xidhiidha oo uu baahintiisa Xalay bilaabay Telefiishanka Qaranku. Madaxwaynaha, ayaa Jaaliyadaha oo isugu imanaya London u jeedin doona khudbad uu ugaga warramayo Xaaladda Somaliland ee wakhtigan.
Hase-yeeshee, Musharraxa u taagan Jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa dhalliilay Safarkii Madaxwaynaha Somaliland iyo Weftigiisu ku tageen dalka Ireland, waxaanu sheegay inay halkaas kula kulmeen Madaxwayne-sharafeed, hasa-yeeshee aanay arag Raysal-wasaaraha hoggaamiya dawladda Ireland.
Jamaal oo shalay Saxaafadda kula hadlay magaalada Berbera, ayaa arrimahaas iyo kowo kale-ba kaga hadlay, waxaanu yidhi; “Dalalka Adduunku waxay leeyihiin laba nidaam-dawladeed oo kala ah ka Madaxwaynuhu awoodda leeyahay sida Somaliland iyo Maraykanka iyo nidaamka labaad oo ah ka Raysal-wasaaruhu awoodda leeyahay, laakiin aanu Madaxweynuhu awoodda lahayn sida Itoobiya iyo waddanka Ireland ee ay booqdeen weftiga Madaxwaynuhu. Haddaba ninkii lahaa awoodda ee ka talinayey dawladda Ireland lamay kulmin weftiga Somaliland ee waxay la kulmeen Madaxwayne sharafeed aan awood fulineed lahayn oo xagga siyaasadda ee ay Somaliland u baahnayd aan kala hadli karin.”
Musharraxa Madaxwaynaha ee xisbiga UCID oo sii hadlaya ayaa sheegay in dadka been looga sheegay safarka Ireland iyo cidda ay la kulmeen, waxaanu yidhi; “Dadku waa inay fahmaan inaan weftiga Somaliland la kulmin Raysal-wasaaraha xukuma dawladda Ireland iyo Wasaaradda arrimaha dibadda isla-markaana la majaro habaabiyey. Waddanka Ireland waa waddanka ugu tahriibta badan Yurub, Somaliland ayuu ka tahriib badan yahay, waayo? Waa Waddan dhaqaalihiisa uu kabo Midowga Yurub.”
HIMILOMEDIA
HARGEYSA OFFICE
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment