Tuesday, October 13, 2015
Kumannaan Reer Turki ah oo Bannaan-bax Baroor-diiq ah ka sameeyey Caasimadda Ankara
Ankara, 13 October 2015-(Himilo)- Kumnaan Qof oo reer Turki ah, ayaa isugu soo baxay magaaalada Caasimadda dalka Turkiga ee Ankara, kuwaasoo ujeeddada isu-soo-baxoodu ahaa inay u Baroor-diiqaan ku dhawaad Boqol Ruux oo ku dhintay Sabtidii Qaraxyo ka dhacay magaaladaas.
Raysal-wasaaraha dawladda Turkiga, Ahmet Davutoglu, ayaa sheegay in Qaraxyada Bambaano ee Sabtidii ka dhacay Ankara ay ahaayeen isku day lagu saameynayo doorashada bisha dambe la doonayo inay ka qabsoonto dalkaas. Isagoo ka hadlayay Telefishin Turki ah, ayuu Raysal-wasaare Davutoglu sheegay, in baadhista xoogga lagu saaray kooxda dawladda Islaamka isku magacayday ee Daacish oo ka dagaallanta qaybo ka tirsan dalalka Ciraaq iyo Suuriya oo Xuduud la leh waddanka Turkiga.
Dawladda Turkiga, ayaa sheegtay in ku dhawaad Boqol Ruux ay ku dhinteen markii labo qof oo walxaha Qarxa ku xidhan yihiin ay weerareen socod nabadeed. Waxay dawladda oo ka jawaabaysa weerarradaas ismiidaaminta ahaa oo Masuuliyiintu sheegeen inay illaa laba qof u dhawdahay inay si rasmi ah u aqoonsadaan duullaan ay Diyaaradaha dagaalka ee Turkigu ku qaadeen deegaannada Xadka Turkiga, Suuriya iyo Ciraaq, gaar ahaan meelo ka baxsan gudaha Turkiga oo ay Kooxda Daacish fadhiisimmo ku leedahay.
Qabanqaabiyayaasha, ayaa tirada intaas ka badiyay. Dhibanayaal badan, ayaa ahaa dhaqdhaqaqayaal Taageersan Xisbiga Kurdiyiinta ee HDP. Aaska Maanta, ayey Baroordiiqayaashu ku dhawaaqayeen hal-ku-dhigyo dawladda ka dhan ah, iyaga oo qaarna ku sheegayay in Madaxweyne Erdogan uu Tuug iyo dillaal yahay.
Dawladda Turkiga, ayaa beenisay eedaha uga yimid Xisbiga Kurdiyiinta ee HDP ee ah in dawladdu ka dambeysay weerarrada. Weriyaha BBC-da ee Turkiga, ayaa sheegaya in intii dalka laysku keeni lahaa ay weerarradani keenayaan kala qeybsanaan Siyaasadeed oo dheeri ah oo soo food-saartay Turkiga, isla markaana culays siyaasadeed iyo mid dhaqaale-ba ku keeni karta dawladda Erdogan.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment