Thursday, October 8, 2015

Madaxweyne Siilaanyo oo soo afjaray Booqashadiisii Ireland, Jaaliyadda Somaliland ee dalkaas oo uu la kulmay iyo halka ugu xigta

1Ireland, 08 October, 2015-(Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxmaed Maxmauud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo ku sugan dalka Ireland maalmihii u dambeeyey-ba, ayaa kulan la qaatay Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan waddankaas.

Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo booqasho ku jooga dalka Ireland saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey waxay la kulmeen Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Jamhuuriyadda Ireland. Sidaa waxa lagu sheegay War Qoraal ah oo Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa Warbaahinta u kala dirtay oo uu ku xusnaa Magaca Guddoomiyaha Wargeyska Somalilandtoday oo Weftiga la socda, waxaanu qoraalka warkaasi u dhignaa sidan:-

“Jaaliyadda ku dhaqan dalka  Ireland oo laga dheehanaayay jeelka jaaliyadeed ee ay u qabaan Madaxda Somaliland la kulankeeda, waxaa kulankaas ka soo qayb galay Dadweyne tiro badan oo isugu jira Waxgarad, Haween iyo dhalinyaraba.

Wasiirrada Arrimaha Debedda, Warfaafinta, Caafimaadka iyo Madaxtooyadda oo Madaxweynaha ku wehelinaayay Safarka ayaa Jaaliyadda hadalo u jeediyay, Waxayna ugu xogogaal warameen Xaalada dalkii hadda maraayo iyo Safarka Waftigu ku yimi Dalka Jamhuuriyada Ireland, kaas oo ay ku tilamaameen in midho dhal fiican ay isla gadheen Dawladda Ireland.

Xafladdaas waxaa hadal ka jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo), wuxuu si weyn ugu mahad-naqay soo dhawaynta ay Jaaliyadda Ireland ku qaabbileen Weftiga uu hoggaaminaayo.

Sidoo kale wuxuu Madaxweynaha Somaliland, sheegay inay dedaal ugu jiraan goob kastana u marayaan sidii Qaranka Somaliland u gaadhi lahaa una heli lahaa aqoonsiga Beesha Caalamka, wuxuuna Madaxweyne Axmed-Silaanyo ugu baaqay guud ahaan Shacbiga debidda ku dhaqan iyo kuwa gudaha dalka joogaba inay isku duubnadaan una midoobaan danta dalkooda.

Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigii uu hoggaaminayay oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa dalka Ireland oo ay booqasho rasmiya ku jogeen, waxaa maanta (Shalay) u soo dhammaaday kulammadii kala duwanaa ee ay la lahayeen Madaxda Xukuumadda Ireland, waxaana la filayaa in Weftiga Madaxweynuhu uga sii gudbaan dalka Ireland dhinaca Waddanka Ingiriiska.”

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment