Muqdisho, 08 October, 2015-(Himilo)- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay inay dib u billaabmayaan wadahadalladii u dhexeeyay Somaliland oo tan iyo bilawgii sannadkan hakad ku yimi oo aan u socon sidii ay u socdeen labadii sano ee ka horreeyey.
Raysal-wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo wareysi siiyay shalay Idaacadda Radio Muqdisho ee dawladdu Maamusho, ayaa sheegay in wadahadalladu ay yihiin kuwo lagu doonayo in mar kale dib loogu soo celiyo Midnimadii Soomaaliya, isla markaana Somaliland lagu qanciyo inay ka gudbaan gooni-isu-taagga.Sidoo kale, Maxamed Cumar Carte waxa uu sheegay in qodobbada la rabo in wadahadallada lagaga hadlo ay ka mid yihiin; wada-qaybsiga Maamulka Maaliyadda, wada-shaqaynta Maxkamadaha, Fulinta Sharuuc waddanka loo dejiyay inuu ku dhaqmo iyo arrimo kale oo dani ugu jirto ummadda Soomaaliyeed.
“Run ahaantii wadahadallada dib ayay u billaabmi doonaan, markii 60-ka la isku darsamay, waxay ahayd mid ku billawday qaab wanaagsan, markaa runtii waxay u baahan tahay inuu wadahadalku noqdo mid mar kale la isugu keeno Soomaali-weyn; oo aanay noqon mid lagu kala tega.” ayuu yiri Ra’iisul-wasaare Ku-xigeen Soomaaliya.
Dawladda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa ku dedaalaysa inay ka midho-dhaliso wadahadallada ay kula jirto Maamulka Somaliland, waxaana xusid mudan in dhaw jeer ay is-hor-fadhiisteen Mas’uuliyiinta dawladda Federaalka iyo kuwa Somaliland, kuwaaasoo ay ku gaadheen qodobbo dhawr ah.
Hase-yeeshee, kulanka Shirkii ugu dambeeyey oo 1-dii March ee sannadkan 2015-ka lagu qaban lahaa magaalada Istanbul ee wadddanka Turkiga, ayaa lagu kala kacay isagoon furmin bilawgiisii, ka dib markii Ergada Somaliland ka socotay diidday inay hor-fadhiisato Xubno dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo ka mid ahaa Ergada dawladda Soomaaliya Shirkaas u soo dirsatay, ka dib markii ay Xubnaha Soomaaliya ka socday aqbali waayeen inay xubnahaas iska reebto markii ay Ergada Somaliland dalbatay in laga saaro Xubnaha ay ka biyo-diidday.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment