Wednesday, October 7, 2015

“Marwada Madaxweynuhu waxay Haya’dda ugu weyn Caawimooyinka Ireland oo Galbeedka Somaliland ka hawlgasha u soo bandhigtay inay xoogga saaraan gobollada Bariga ee dalka sidii ay u gaadhsiin lahayeen takulayntooda..” Qoraal Madaxtooyada ka soo baxay

 

 

 

 

Ireland, 07 October, 2015-(Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Safar Shaqo ku jooga dalka Ireland, ayaa shalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Ireland Michael D Higgins, kaasoo ay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin xidhiidhka labada waddan, heerka taariikhda xidhiidh ee hore uga dhexeeyey iyo sii xoojinteeda.

Sida uu War qoraal ah ku soo diray Guddoomiyaha Wargeyska Somalilandtoday Muniir Axmed Cigaal oo ah Ruuxa keliya ee Saxaafadda ka socda ee la socda Weftiga Madaxweyne Siilaanyo, waxay Madaxweynaha Ireland iyo Marwadiisu si diirran Qasriga Madaxtooyada dalkooda ugu qaabbileen Madaxweynaha Somaliland iyo Marwadiisa. Warka Qoraalka ah ee uu Muniir Axmed Cigaal Madaxtooyada u soo diray, Madaxtooyaduna Saxaafadda u sii qaybisay waxa uu u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Ireland Michael D Higgins oo uu Wehelinayo Taliyaha guud ee Ciidamada Dalka Ireland Vice Admiral Mark Mellet (DSM), ayaa maanta (shalay) Qasriga Madaxtooyada ku qaabbilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Safar shaqo ku jooga waddankaas.

Madaxweynaha Waddanka Ireland Mudane Michael Higgins ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay booqashada Madaxweynaha Somaliland  Mud. Axmed Silaanyo iyo waftigiisu ku yimaadeen Dalka Ireland,  waxaana uu tilmaamay in Xidhiidh hore oo soo jireen  ahaa uu u dhaxeeyo  labada Waddan  iyo labada Ummadood, waxaana uu uu sheegay in dalka Ireland uu diyaar u ahay in Jamhuuriyadda Somaliland uu la yeesho xidhiidh cusub, kana caawiyo wax kasta oo suurto galin kara sii xoojinta Horumarka iyo Nabadgelyada ka hanaqaaday dalka Somaliland, wuxuuna Madaxweynaha JSL ku ammaanay taariikhda hoggaamineed iyo dadaalkiisa shakhsinimo ee uu kaga qayb qaatay dibudhiska waddan ku yaala goob colaado hadheeyeen.

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka Ireland oo ay wehelinayeen Saraakiisha u sarraysa qaybaha Ciidamada Dalka Ireland, waxaana uu sharraxaad ka bixiyay hawlgalada kala duwan ee Ciidamadda Ireland iyo kaalinta ay kaga jiraan Xasilinta nabadgelyada Dunida isaga  oo uu tilmaamay in 16 Waddan oo Caalamka ka mid ah ay joogaan kuna  kala sugan yihiin Ciidamadda Ireland.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  ayaa isaguna si balaadhan u sharraxay taariikhda dheer ee ay soo mareen Shacbiga reer Somaliland iyo sida ay uga qayb qateen Xasiloonida Mandaqada Geeska Afrika, waxaana uu Madaxweyne Siilaanyo sheegay in lasoo gaadhay xilligii Dunidu ay Aqoonsan lahayd Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland, isagoo ka codsaday Madaxweynaha Dalka Ireland inay ku dhiiradaan bilaabida tallaabadaas oo ah Himilada ugu weyn ee Shacbiga reer Somaliland sugayaan. Waxaa iyaguna sdoo kale halkaas hadalo ka soo jeediyay Wasiirrada arrimaha dibbeda, Madaxtooyada, Caafimaadka iyo Warfaafinta.

Dhinaca kale Marwada Koowaad ee Dalka Ireland Marwo Sabina Higgins ayaa iyaduna dhinaceeda si diirran qasriga Madaxtooyada ugu qaabishay Marwada Koowaad ee Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Weris Maxamuud Jirde. Marwo Sabina Higgins ayaa si ballaadhan sharraxaad uga bixisay taariikhda Dalka Ireland waxaanay Marwo Sabina Qaybaha Qasriga Madaxtooyada ku soo wareejisay Marwada Koowaad ee jamhuuriyada Somaliland. Waxaa iyaduna halkaas si mug leh uga hadashay Marwo Aamina Weris Maxamuud Jirde iyada oo si balaadhan u faahfaahisay  taariikhda iyo halganka ay Ummadda Somaliland usoo mareen xorriyadooda iyo doorka looga baahan yahay dunidu inay ku taageerto sidii qaranka Somaliland uu u noqon lahaa Dal la Aqoonsado Ummadiisuna ay u gaadho Horumar dhinac kasta ah.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warkaas oo uu ku qornaa Muniir Axmed Cigaal.

Geesta kale, waxa qoraal kale oo isla Muniir iyo Madaxtooyadu soo wada direen lagu sheegay in Marwada Madaxweynaha  Somaliland Marwo Aamina-Waris Sheekh Maxamuud Jirde, ay kulan la qaadatay Madaxda ugu sarraysa Hay’adda ugu weyn waddanka Ireland  ee Mucaawinooyinka gaadhsiisa dalalka Afrika, taasoo loo yaqaan Concern World-wide Charity. Guddoomiyaha Hay’adaas Dominic MacSorely iyo Saraakiisha ka tirsan Concern World-wide, ayaa qaabbilay Aamina-Waris.

Madaxda Hay’ada Cincern, ayaa sheegay in laamaha Ururkooda ee Afrika ay ka shaqeeyaan qaybo ka mid ah gobollada Galbeed ee waddanka Somaliland, gaar ahaan gobolka Gabilay, isla markaana ay u qorshaysan tahay inay isbeddal ku sameeyaan sidii gobollada kale Hay’addu u gaadhi lahayd.

Marwada Madaxweynuhu waxay u soo bandhigtay inay xoogga saaraan gobollada Bariga ee dalka sidii ay u gaadhsiin lahayeen takulayntooda. Sidoo kale waxay ka codsatay inay Xukuumadda Ireland ku dhiirriyaan sidii ay ugu soo biirilahayd waddamada ku midoobay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee loo yaqaan SDF. Waxaanay Masuuliyiinta Concern World-wide ballan-qadeen inay ballaadhin doonaan mashriicda Somaliland. Waxa Marwo Aamina-Waris kulankaas ku weheliyey Wasiirka Warfaafinta iyo La-taliyaha Hay’adaha u qaabbilsan Madaxweynaha Somaliland.

Himilomedia

Hargeysa Office

 

No comments:

Post a Comment