Wednesday, October 7, 2015

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland waxaan u soo jeedinayaa labadan Qodob Mawliid Aadan Cumar

 

Guddoomiye marka hore waxaan Allaah kaaga baryayaa inuu ku waafajiyo inaad ummadda ugu garsoorto Xukun caddaalad ah. Marka labaad waxaan kuu soo jeedinayaa laba qodob oo aan isleeyahay waxbay ku biirinayaan hawsha Garsoorka iyo ilaalinta Xeerarkeeda haddii aad hirgelisaan.

Qodobka 1- Mudane Guddoomiye Tallaabadii koowaad ee aad samaysay isku-beddel iyo magacaabis Garsoorayaasha Maxkamadaha dalka iyo Guddoomiyeyaashooda, sidaasi awgeed haddii aan Guddiga Maxkamadda Sare samaynin daba-gal iyo kormeer joogto ah oo toddobaadkiiba hal mar Maxkamadaha dalka ah, wax horumar ah ma samaynayo is-beddelka Garsoorayaashu, ee waxaan idinku dhiirrigelilnayaa Xubnihiinna Guddiga Maxkamadda Sare ama Guddi dhexe oo Garsoorayaasha ah aad u magacawdaan daba-galka iyo baadhista Kiisaska Shacabka loogu garnaqayo ee ka socda Maxkamadaha gobollada iyo kuwa degmooyinka dalka.

Sidoo kale, waxa idinku waajib ah  Guddoomiye ahaan  inaad dawladda u bandhigto sidii Garsooraha ama Garsoorayaasha Maxkamadaha loogu samayn lahaa Qorshe Mushahar oo ku filan, taasoo ka qayb-qaadanaysa toosinta Caddaaladda. Sidaas darteed, waxaan ku talo-bixin lahaa in Gunnada Garsoorayaasha laga dhigo $2500 (Laba kun iyo Shan boqol oo Doollar) ugu yaraan, haddii Allaah yidhaahdo. Inkaasi ka dib waxa Guddiga Maxkamadda Sare u suurtagalaysa inay si adag ula Xisaabtamaan Garsoorayaasha.

Qodobka 2- Qodobkan waxaan u kala qaaday laba (A-B) (A) Waxaan Guddiga Maxkamadda Sare u soo jeedinayaa inay qiimayn wayn ku sameeyaan Xeer-ilaaliyeyaasha dawladda si aanay u noqon kuwo qaybta ugu wayn dib-u-dhaca iyo dhammaystirka Dacwadaha. Sidaa awgeed, Guddiga Maxkamadda Sare waxa la inay Xeer-ilaaliyaha guud ku wargeliyaan inuu daba-gal iyo qiimayn ku sameeyo Xeer-ilaaliyeyaasha.

Qodobka labaad (B), waxaan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare u soo jeedinayaa inuu ku dhawrsanaado Warbaahinta iyo qodqodkeeda guud ahaan, waayo? Garsoorka Warkiisu waa xukun qoran. Mar hadday sidaas tahay, waxaan ku dhiirrigelinyaa Guddoomiyaha iyo Guddiga Maxkamadda Sare inay ka digtoonaadaan Saxaafadda.

Wabbillaahi Tawfiiq. Allaah baa Mahad leh:

Waxa qoray Mawliid Aadan Cumar

Tel: NO: 0634410898

Hargeysa/Somaliland.

 

No comments:

Post a Comment