Tuesday, October 6, 2015
“Maxamed Siyaad Barre ma wada xumeyn ee markii dambe ayuu xumaaday, Madaxwaynaha talada innoo hayaana waxa uu ka mid ahaa Xukuumaddii Siyaad...”
“In badanbay dadku leeyihiin codkaannu bixinnay waannu ku khasaarnay kii hore kii dambe, dad kaad ka maqlaysaa. Markaasaa adiga lagu qabsanayaa oo lagu odhanayaa adaa noogu wacnaa… Maanta dalku waxaa uu marayaa Somaliland Markayga, Somaliland Markaygana…!” Cabdicasiis Maxamed Samaale
Hargeysa, 6 October, 2015-(Himilo)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo hadda ka mid ah Musharrixiinta u taagan inay u tartamaan Jagada Madaxweynaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa sheegay in xaaladda dalka ee dhinaca Siyaasaddu wakhtigan marayso wax uu ugu yeedhay (Somaliland Markayga), waxaanu sidoo kale ka hadlay heerka ay saamaynta qabyaaladdu wakhtigan marayso iyo loollanka Kursi-doonka ee KULMIYE dhexdiisa.
Cabdicasiis Maxamed Samaale waxaa uu sheegay in heerka ay qabyaaladdu Somaliland ka maraysaa tahay meeshii ugu xumayd ee ay abid gaadho, isla markaana aanay ka madhnayn oo ay hormuud ka yihiin Culimada, Siyaasiyiinta iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada, isagoo ku tilmaamay inay gaadhay heer hoggaanka dalka lagu doorto qabyaalad iyo nin jeclaysi.
“Waxaa aad looga hadlayaa Qabyaalada, Qabyaaladdu waa wax xun, Walaalkay Maxamed Xaashi Maqaal uu maalin dhawayd qoray, ayaa waxa uu ku lahaa Culimada ayaa ugu Qabyaalad-xun, waa hubaal. Maanta Qabyaaladdu si xun ayey innoo gashay oo Sheekh iyo Shariif, Masuul iyo qof aan masuul ahayn intaba Qabyaaladda in laga dhex akhriyayo ayaa macquula, haddaynaan Cudurka aynu qabno isku sheeginna ka bogsan mayno.” Sidaa ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo hadal ka jeediyey Munaasibad shalay lagu furay Jaamacadda Cusub ee Maroodi-jeex Internatianal oo Hargeysa lagu qabtay.
Samaale oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku daray; “Qabyaaladdaas ayaan meel inna gaadhsiinayn oo noqotay Sallaan lagu fuulo talada dalka oo qofku marka uu fuulana waxa uu doono sameeyo. Somaliland Dalkayga, Somaliland Qarankayga, Somaliland Maanta waxay maraysaa; Somaliland markayga, Somalilland markaygana meel lagu gaadhi mayo.”
Cabdicasiis Maxamed Samaale waxaa uu sidoo kale ka hadlay loollanka Musharrixiinta jagada Madaxweynaha doonaya inay ku tartamaan Xisbiga talada haya ee KULMIYE dhexdiisa oo ay ugu yaraan Shan Xubnood oo uu isagu ka mid yahay shaaciyeen inay u taagan yihiin, isla markaana la isku wajihi doono Shirka Golaha dhexe ee Xisbigaas oo qabashadiisa loo muddeeyey tobanka bisha 11-aad ee sannadkan aynu ku jirno.
“Siyaasaddu waa Kubbad la ciyaarayo, waa lakala badiyaa, waala tartamaa, cadaawadi ma jirto ee ha la isu hambalyeeyo, Maxamed Siyaad Barre ma wada xumeyn ee markii dambe ayuu xumaaday, Madaxwaynaha hadda talada innoo hayaana waxa uu ka mid ahaa Xukuumaddii Siyaad Barre, maalin ayuun buu markii ay xumaatay iskaga tegay. Markaa, waxa loo baahan-yahay qof maalinta uu ka tago meeshaas kasii wada horumarka.” Sidaa ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Waxa uu Cabdicasiis Samaale ka sheekeeyey hadallada dadweynaha kaga soo noqda doorashadii Madaxtinnimada ka dib, waxaanu yidhi; “Axsaabta tartamaysaa waa inaynu tartankeeda xagga wanaagsan u qaadanno, waa inaynu ka qayb-qaadanno, waa inaynaan xagga xun kaga qayb-qaadan, in badanbay dadku leeyihiin codkaannu bixinnay waannu ku khasaarnay kii hore kii dambe, dad kaad ka maqlaysaa. Markaasaa adiga lagu qabsanayaa oo lagu odhanayaa adaa noogu wacnaa sidaa, anigu ma ogi qofka waxa kasoo bixi doona ee waxaad doorataan waxa wanaagsan.”
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment