Tuesday, October 6, 2015
Guddoomiyaha SOLJA oo si adag uga hadlay Weriyeyaal Wasiir Ku-xigeenka Xannaanada Xooluhu, xidhay, Xaalad deg-deg ah oo Berbera lagu soo rogay, Xiisad kacsan oo taagan iyo 8 Nin oo la baadi-goobayo
Guddoomiyaha Maxkamadda Saaxil oo sheegay inuu diiday Waaran u jarista Liis toban Qof uu Wasiir Ku-xigeenka Xannaanada Xooluhu ku soo qortay in loo xidhay iyo Booliska oo qaar xoog ugu xidhay
“Runtii waxaa wax laga naxo ah oo Berberadaa aan ku suganahay ka suuragal ahayn xaaladda deg-degga ah ee Xukuumaddu ku soo rogtay ee weliba ay ugu soo igmatay Wasiir Ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha… Waxaannu diyaar u nahay haddii Wasiir Ku-xigeenku Sharciga u hoggaansan yahay inaannu Garsoorka hortiisa ku soo bandhigno eedaha Bulshadu u hayso kuwo ka badan..” Guddoomiyaha SOLJA
Berbera, 06 October, 2015-(Himilo)- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa si adag uga hadlay Xadhigga laba Weriye oo uu Berbera ku xidhay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi (Cali-Gadh-dheer), waxaanu XXuuto sheegay in Xukuumaddu amni-darro ka abuurayso magaalada Berbera iyo gobolka Saaxil.
Guddoomiyaha SOLJA oo xalay Saldhigga Booliska magaalada Berbera ee ay ku xidhan yihiin ku booqday labada Weriye oo kala ah Axmed Siciid Maxamed oo ah Weriyaha KALSAN TV ee Saaxil iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo ah Weriyaha Somalinews TV u jooga Berbera, kuwaasoo gelinkii hore ee shalay lagu xidhay amar uu bixiyey Wasiir Ku-xigeenka Xannaanad Xoolaha Cali-Gadh-dheer.
“Waxaannu joognaa caawa (xalay) magaalada Berbera, waxaannu u nimi laba Suxufi oo uu Xidhay Wasiir Ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi, labadaas Suxufi oo kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Cige Telefeshinka Somalinews iyo Axmed Siciid Maxamed oo ka hawlgala Telefeshinka Kalsan. Runtii waxaad mooddaa dhacdooyinka xadhigga ah ee Masuuliyiinta Xukuumadda qaarkood kula kacayaan Suxufiyiinta, gaar ahaan gobolkan Saaxil oo ay caado noqotay maalin kasta ama toddobaadkiiba mar in Masuuliyiinta gobolka iyo Masuuliyiinta sare ee Xukuumadda dhexe ay maalin walba takrifal ku samaynayaan awoodda ay bulshada u hayaan oo ay ku ciqaabayaan, oo ku xidhayaan ama ku cabbudhinayaan Suxufiyiinta gobolka ka hawlgasha.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka SOLJA oo Berbera kula hadlay Saxaafadda xalay markii uu Weriyeyaasha booqday ka dib.
Sidoo kale, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Maalintii Ciiddii waxa ka baxay TV-yada Warka ay dadweynaha reer Berbera kaga soo horjeedaan qorshaha wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera oo ay Wasiiro Ku-xigeennada Xannaanada Xoolaha iyo Wershaduhu ay hanjabaad cad warbaahinta uga siidaayey inay ku ciqaabi doonaan dadka gobolkani haddii ay ka hor-yimaaddaan mashaariicda ay dawladdu waddo, gaar ahaan Haamaha, oo aad mooddo inay ka degi la’dahay Xukuumadda diidmada ay kala horyimaaddeen Golaha Wakiillada iyo dadweynuhu markaynu eegno.”
“Suxufiyiintu meel ay kaga hor-yimaaddeen ama ku diiddan yihiin ma jirto Haamaha, laakiin waxay gudbiyaan, cabashada iyo dhalliilaha ay dadweynuhu u soo jeedinayaan Xukuumadda, gaar ahaan kuwa ay u arkaan inay suuragal tahay oo ay ku qaldan tahay, maaddaama oo dadweynuhu odhaahdooda u odhanayaa sabab Weriye loogu ciqaabo oo loogu xidhaa ma jirto, waxaannu u aragnaa aqoon-darro. Hore Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland waxa uu u soo saaray Wareegto ah inaan Weriye la xidhi karin illaa inta ay Maxkamadi dembi ku caddaynayso. Sidaa awgeed, waxaannu u aragnaa dhacdadan Wasiir Ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi in ay ka turjumayso dawlad aan dimuquraaddi ahayn, dawlad keli-talis ah, marka awooddii loo dhiibay uu ku tasarrifayey.” Sidaa ayuu yidhi Xuuto.
Waxa uu Guddoomiyaha SOLJA wax laga naxo ku tilmaamay xaalad deg-deg ah oo ay Xukuumaddu si dadban ugu soo rogtay Berbera sida uu sheegay, waxaanu yidhi; “Runtii waxaa wax laga naxo ah oo Berberadaa aan ku suganahay ka suuragal ahayn xaaladda deg-degga ah ee Xukuumaddu ku soo rogtay ee weliba ay ugu soo igmatay Wasiir Ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha. Markaannu u dhug-yeelannay, u kuurgalnay, waxaa noo caddaatay in amni-darro laga abuurayo gobolkan, gaar ahaan magaalada Berbera, iyadoo loo adeegsanayo in maalin walba sidii Xoolaha inta Suxufiyiinta iyo dad kaleba la soo xidho oo Jeelasha iyo Xabsiyada laga buuxinayo. Dadweynaha reer Somaliland way ka wada dhergansan yihiin Haamaha Shidaalka iyo Mushkiladda ka taagan, Saxaafad ahaanna xog faro badan oo aan is-odhan karo Bulshada looma soo bandhigin baannu haynaa. Haddii ay kallifayso markaa, waxaannu diyaar u nahay Garsoorka hortiisa haddii Wasiir Ku-xigeenku Shuruucda dalka, Xeerarka iyo Dastuurka dalka u hoggaansan yahay inaannu Maxkamadda horteeda ku soo bandhigayno eedaha Bulshadu u hayso eedo ka badan.”
Xuuto waxa uu sheegay inay ku kalsoon yihiin xadhigga Weriyeyaasha, hase-yeeshee, awoodda cidda xidhatay u adeegsanayso iyo sharci-darrada ay ku xidhan yihiin ee sidii Maxkamaddii Badbaadada dawladdii Kacaanka Soomaaliyeed oo kale inta liis lagu soo qortay Booliska loo adeegsanayo inay soo xidh-xidhaan sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha SOLJA, waxaanu sheegay inay sharciga ku kala bixi doonaan Wasiir Ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha iyo Wasiir Ku-xigeenka Wershadaha oo uu sheegay inay adeegsanayaan awood u muuqata inay ka haystaan Xukuumadda ay ka tirsan yihiin hoggaankeeda. Iyadoo Weriyeyaashaas lagu haysto baahinta Wararka Foodhi iyo qaylo ay dadweynaha reer Berbera maalintii Ciidda ku qaabbileen labada Wasiir Ku-xigeen.
Wasiir Ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha Somaliland Cali Maxamed Cilmi oo liis ay ku qornaayeen labada Weriye ee la xidhay iyo siddeed qof oo kale oo mid ka mid ahi Abwaan yahay amray in la xidho, waxa diiday oo ku gacan-saydhay Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Saaxil Siciid Cabdillaahi Xuseen oo uu ka dalbanayey Waaranka qabashadooda, sida uu Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda.
Haddaba, Wasiir Ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha iyo Guddoomiyaha gobolka Saaxil oo aannu marar badan oo xalay ahayd ka wacnay Taleefannaddooda gacanta si aannu arrimahan wax uga weydiinno, ayaanay noo suuragelin inaannu dhinacooda war ka helno, ka dib markii ay naga qaban waayeen Taleefannadooda, Farriimo aannu u dirnayna wax jawaabo ah naga siin waayeen, iyadoo la sheegay in xubno ka tirsan siddeedda qof ee Wasiir Ku-xigeenku liiska xadhiggooda soo qortay oo wada rag ahi inay ka baxeen qaarkood magaaladaas, kuwaasoo xubno ka tirsan la sheegay inay ka tirsanaayeen Mujaahidiintii SNM, isla markaana lagu haysto dhalliisha ay ku diiddan yihiin wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera oo Xukuumaddu dhawaanahan ku mashquulsanayd.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment