Madaxweynaha Waddanka Ireland Mudane Michael Higgins ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay booqashada Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Silaanyo iyo waftigiisu ku yimaadeen Dalka Ireland, waxaana uu tilmaamay in Xidhiidh hore oo soo jireen ahaa uu u dhaxeeyo labada Waddan iyo labada Ummadood, waxaana carabka ku dhuftay in Dalka Ireland uu diyaar u yahay in Jamhuuriyada Somaliland uu la yeesho xidhiidh cusub, kana caawiyo wax kasta oo suurto galin kara sii xoojinta Horumarka iyo Nabadgelyada ka hanaqaaday Dalka Somaliland, isagoo Madaxweynaha JSL ku ammaanay tariikhda hoggaamineed iyo dalaalkiisa shakhsino ee uu kaga qayb qaatay dibudhiska waddan ku yaala goob colaado hadheyeen. Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka Ireland oo ay weheliyaan saraakiisha u sarraysa qaybaha Ciidamada Dalka Ireland, waxaana uu sharraxaad ka bixiyay hawlgalada kala duwan ee Ciidamadda Ireland iyo kaalinta ay kaga jiraan Xasilinta nabadgelyada Dunida isaga oo uu tilmaamay in 16 Waddan oo Caalamka ka mid ah ay joogaan kuna kala sugan yihiin Ciidamadda Ireland.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isaguna si balaadhan u sharraxay taariikhda dheer ee ay soo mareen Shacbiga reer Somaliland iyo sida ay uga qayb qateen Xasiloonida Mandaqada Geeska Afrika, waxaana uu Madaxweyne Siilaanyo sheegay in lasoo gaadhay xiligii Dunidu ay Aqoonsan lahayd Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland, isagoo ka codsaday Madaxweynaha Dalka Ireland inay ku dhiiradaan bilaabida talabadaas oo ah Himilada ugu weyn ee Shacbiga reer Somaliland sugayaan. Waxaa iyaguna sidoo kale halkaas hadalo ka soo jeediyay Wasiirrada Arrimaha Debeda, Madaxtooyada, Caafimaadka iyo Warfaafinta.

No comments:
Post a Comment