Hargeysa, 5 October, 2015-(Himilo)- Jaamacad cusub oo la yidhaahdo Maroodijeex International University, ayaa shalay si rasmiya looga furay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, taasoo ka mid noqon doonta Jaamacadaha Aqoonta kala duwan lagu barto ee hore uga jiray dalka.
Xafladda Furitaanka Jaamacaddan cusub oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa Isniintii shalay, waxaa ka qaybgalay Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Siyaasiyiin, Xildhibaanno, Aqoonyahanno Aqoonta Jaamacadaha ku xeel-dheer, Macallimiin, Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha dalka qaarkood, Masuuliyiinta Xisbiyada Siyaasadda, Culimo, iyo Marti-sharaf kale.
No comments:
Post a Comment