Tuesday, October 6, 2015

Pro Jawaari Oo Sheegay In Maalinta Berri Ah Baarlamaanka Somaliya Ka Doodi Doono Mooshin Ka Dhana Madaxwayne Xasan Sheekh

Muqdisho October 6, 2015(Himilo)-Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Pro Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa maanta shaaciyay in berri uu furmayo shirka lagaga hadlayo qodobbadii lagu xusay mooshinkii 12-kii bishii August ay xildhibaanno ka tirsan golaha baarlamaanka Soomaaliya ka keeneen madaxwaynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud.

Guddoomiye Jawaari ayaa tilamaamay in shirkaas uu yahay mid muhiim ah, isla markaana looga bahan yahay xildhibaanada keenay mooshinka inay kasoo qayb-galaan, si looga Wadahadlo Mooshinkaas.

“Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed waxaan la wadaagayaa in maalinta berri ah oo ay ku beegan tahay taariikhdu 07-da October uu Muqdisho ka furmi doono shirka lagu xallinayo mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha, isla markaana lagaga wada-hadlayo qodobbadii ku xusnaa mooshinkii Xildhibaanadu ka keeneen madaxwaynaha, waxaan ugu baaqayaa xildhibaannada baarlamaanka ee keenay mooshinkaas inay kasoo qayb-galaan shirka berri ka furmi doona 11:00 Duhurnimo ee magaalada Muqdisho,” Sidaasi ayuu yidhi Guddoomiye Jawaari.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somaliya ayaa 12kii bishii August baarlamaanka somaliya keenay mooshin xilka lagaga qaadayo madaxwaynaha somaliya , Haseyeeshee guddomiyaha baarlamaanka somaliya ayaa laalay mooshinkaasi, islamarkaasna sheegay inaan wakhtigan loo baahnayn mooshin ka dhana madaxwaynaha .

 

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment