Tuesday, October 6, 2015

Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland oo Digniino Kama Dambaysa U Diray Garsoore Iyo Xulka Gobolka Hawd.

Boorama ,October 6, 2015(Himiloi)-Xidhiidhka Kubada cagta Somaliland ayaa go’aamo kama danbays ah kasoo saaray ciyaartii shalay dhexmartay Gobolada Awdal Iyo Hawd oo ay rabshado ka dhaceen garoonka ay ciyaartu ka socotay.

 
Taageerayaasha gobolka Awdal iyo Ciyaartoyda Gobolka Hawd ayaa isa shiiday markii ay Dhamaatay Ciyaartii Dhexmaraysay Gobolada Hawd iyo Awdal ,shiidkaasi  oo sababtay  dhaawaca ciyaartoy ka tirsan gobolka Hawd.

 
Xidhiidhka kubada cagta Somaliland oo maanta oo salaasa Ah shirjaraa’id ku qabtay magaalada Boorama ayaa sheegay in digniino kama danbays ah u direen Garsoore dhexdhaxaadinayay ciyaartii shalay iyo xulka Gobolka Hawd.
“Laba Go’aan ayuu xidhiidhka kubada cagtu kasoo saaray ciyaartii shalay, labadaa go’aan oo ku kala dhacay laba xubnood oo ka tirsan xidhiidhka kubada Cagta.Hal garsoore oo ka tirsan garsoorayaashii gobolka Awdal, ayaanu digniin siinay falal uu sameeyay darted, waxaanu uga digaynaa hadii uu marlabaad sameeyo falkaasi inuu garsoorkii ka joogin doono”Sidaas ayaa lagu Sheegay Shirka Jaraa’id Ee Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland.
Geesta Kale xulka gobolka Hawd oo la shiitamay taageerayaasha Gobolka Awdal ayaa iyagana lasiiyay Digniin Kama Dambays ah
“Xidhiidhka Kubada cagtu waxaa uu ka masuul yahay ciyaarta dhexdeeda ee kama masuul aha wixii ka dhaca garoonka dibadiisa, Sidaa daraadeed markii qaar kamida taageerayaasha gobolka Awdal ay shiideen ciyaartoydii Gobolka Hawd,Hadaba waxaanu ganaaxnay gobolka Hawd markii ay sidii dadwaynaha oo kale ay ula shiitameen dadwaynihii ciyaarta daawanayay, iyagana waxaanu siinay Digniin kama danbays ah.”
Xulalka  Gobolka Hawd iyo Awdal oo shalay Ciyaar adagi ku dhexmartay magaalada Boorama ayaa Waxaa Hal iyo Eber lagaga adkaaday Xulka Gobolka Hawd.

 

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment