Wednesday, October 7, 2015

Qodobbo Muhiim ah oo lagaga hadlayo Kulanka Baarlamaannada Afrika oo ka furmay Johannesburg

 

Johannesburg, 07 October, 2015-(Himilo)- Fadhiga Koowaad ee Kal-fadhiga Afraad ee Kulanka Baarlamaannada Afrika ee Pan Afrika, ayaa ka furmay xaruntiisa ku taalla Xaafada Mid-ran ee magaalada Johannesburg dalka Koonfur Afrika, kulankaas oo wax badan ka beddelan fadhiyadiisii hore.

Kal-fadhigan waxaa ka qayb-galay inta badan Xildhibaannada Baarlamaanka Pan Afrika, waxaa furay Madaxweynaha dhawaan loo doortay Baarlamaanka Pan Afrika, Roger Nkodo Dang. Sida caadada u ah fadhi kasta oo furmaya waxaa furitaankiisa ka qayb-gala mid ka mid ah Madaxda Afrika, waxaana fadhigan lagu waday inuu ka qayb-galo Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma, balse waxa uu u soo wakiishay Wasiirka arrimaha dibedda ee Xukuumaddiisa Maite Nkoana-Mashabane.

Kulanka Pan Afrika, waxaa goob-joog ka ahaa Mas'uuliyiin ka kala socday waddamada iyo Ururrada Afrika oo uu ka mid ahaa Xoghayaha saddexaad ee Xagga Siyaasadda ee Safaaradda Soomaaliya Maxamuud Suudaani iyo Dublamaasi kale oo ka socday waddamada ay Xildhibaannadooda ka tirsan yihiin Baarlamaanka Pan Afrika iyo Xubno matalayay Midowga Yurub.

Wasiirka arrimaha dibedda Koonfur Afrika Maite Nkoana-Mashabane oo ka hadashay qaar ka mid ah ajandayaasha fadhigan lagaga hadli doono, ayaa tilmaamtay wada-xaajood-yada dunida iyo Qaramada Midoobay ay ugu jiraan sidii wax looga qaban lahaa isbadalka cimilada adduunka inay waajib tahay inay Afrika qaybteeda ka qaadato maadaama ay arrintaani ka cabanayaan dalalka horumaray.

Cabdicasiis Cabdillaahi Maxamed (Xukun) oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya u matalayo Baarlamaanka Pan Afrika oo faahfaahin dheer ka bixiyay fadhiga uga furmay Xaafadda Midran ee Magaalada Johannesburg, ayaa sheegay kulankan lagaga hadli doono arrimo badan oo xagga ammaanka Afrika ah oo ay soo if-baxayaan waddamada qaar qalalaase hor leh iyo arrimo badan oo ku saabsan horumarka iyo is-dhexgalka shacabka Afrika. Waxaanu intaas ku daray ka Soomaali ahaan inay soo bandhigayaan waxyaabaha dawlad ahaan kaga aaddan iyo kuwa sida gaarka ahba uga quseeya ajandayaasha lagaga doodayo fadhiga koowaad ee kal-fadhiga afaraad ee Baarlamaanka Pan Afrika.

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya u matala Baarlamaanka Pan Afrika oo ah shan xubnood oo uu ka soo xaadiray Hal Xildhibaan, ayaa la filayaa in afarta Xildhibaan ee kale ay maalmaha soo socda soo gaadhaan Xarunta Baarlamaanka Pan Afrika. Fadhigan oo socon doona muddo labo isbuuc ah loogana arrinsan doono arrimo ay ka mid yihiin tamarta qorraxda sidii looga faa'iideysan lahaa, isbeddelka Cimilada, horumarinta Haweenka, sidii Afrika loo gaadhsiin lahaa inay yeelato hal cod, noqotana hal Qaran iyo doodo ku saabsan dhibaateyntii ay dadka Koonfur Afrikaanka ahi u geysteen dadyowga Afrikaanka ah oo Soomaalidu ugu badan tahay.

 

HIMILOMEDIA

HARGEYSA OFFICE

No comments:

Post a Comment