Dabcan dalalku waxay ku kala duwan yihiin xaga haynta ama hantida iyo waliba xaga cudduda shaqaalaha (aqoonta, xirfada iwm), laakiin wax kasta oo fursado ah oo aad haysato isbedalku ma hirgalo haddii hogaanka dalku aanu la iman go’aan adag iyo rabitaan dhab ah (commitment). Reform-ku waa siyaasad guud iyo barnaamij loogu talo galay in kor loogu qaado tayada hay’adaha dawlada oo dhan ma aha wax hay’ad kaliya loogu talo galo sababta oo ah hay’ad kasta waxay la shaqaysaa ama la shaqeeya hay’ado kale oo aanay hawshoodu socon Karin la’aantood, tusaale ahaan maxkamaddaha waxa la shaqeeya wasaaradaha caddaaladda, arrimaha gudaha, caafimaadka iwm, waxa la shaqeeya xeer ilaaliyaha guud, bilayska (saldhigyada iyo CID-da), ciidamada asluubta (Jeelasha) waxay hayaan hawlo isku xidhxidhan oo aan sinaba u kala maarmi Karin.
Sidaa awgeed waxa loo baahnaa in la sameeyo dib u hayban isku dhamaystiran si ay iskula jaan qaadaan.
Dhinaca kale si loo hubiyo habsami u socodka reform-ka sidii loogu talo galay waa inuu jiraa guddi awood badan oo u xil saaran isku dubaridka iyo qiimaynta hay’adaha ka gaabiya iyo sababaha ku keenay dib u dhaca.
Marka aan u soo daadago nuxurka maqaalka guddoomiyaha maxkamadda sare Md Aadan X. Cali Axmed wuxuu bilaabay inuu isbedal iyo dib u habayn ku sameeyo garsoorka, wuxuu qaaday dhawr tallaabo oo loo baahnaa oo dadweynuhu aad u soo dhaweeyey ama lagu amaanay isla markaa waxaa hadaladiisa laga dhadhansanayaa inay ka go’an tahay inuu soo celiyo kalsoonidii shacabka iyo in garsoorka la aamino.
Way fiican tahay masuul kasta meesha uu joogaba in uu muujiyo dadaal laakiin reform-ku xaga hoose kama tago oo kor uma baxo, refom-ka guulaysanaya wuxuu ka yimaada xaga ugu saraysa (from the top management). Qorshe aad looga baarandegay kaddib waxaa loo soo dhaadhiciyaa xaga hoose si loo dhaqan galiyo, wuxuu daadku qaadaa ama seeftu la tagtaa kuwa is hortaaga ama ka gaabiya geediga ama hayaanka.
Si kastaba ha ahaatee masuulka kaligii la yimaada isxilqaan dheeraad ah ama reform u gaar ah wuxuu ku dambeeyaa laba arrimood mid ka mid ah:
- In uu si degdeg ah u niyad jabo marka uu madaxda ugu saraysa ka waayo taageeradii looga baahnaa iyo marka uu iskaashi buuxa ka waayo hay’adaha kale ee la shaqeeya; si kale haddii loo dhigo markuu ka gudbi kari waayo carqaladaha iyo jalaafada kuwa ka soo horjeeda isbedalka ayuu isaga oo jaahwareersan naftiisa la carraraa ama inta uu is dhiibo ayuu iskala qabsadaa xaaladihii hore iyo sidii ay ahaan jirtay.
- Inuu dedaalkiisa eedo oo loo arko nin guuxiisa ka dheereeyey ama fara fareeyey meelo lama taabtaan ah iyo in loo arko inuu yahay guddoomiye aan u dhaga nuglayn amarada madaxtooyada sidaa awgeedna xilkiisa ku waayo. Ujeedaydu ma aha in aan niyada ka dilo guddoomiyaha cusub balse waxaan ku dhiiri gelinayaa in uu dadaalkiisa sii wado halka ay la gaadhoba, kaliya waxaan sheegayaa waxa jira iyo duruufaha ku gadaamadan iyo in dadaalkiisu madi yahay.
Cabdiraxmaan Cadami
abdirahmanadami@yahoo.com
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment