Thursday, October 8, 2015

Rabshado Xalay illaa Habeen hore Boorama hadheeyey, Khasaaraha dhimashada, dhaawaca, Tirada dad loo xidhay Weerar lagu qaaday Guriga Badhasaabka Awdal iyo Bandoo magaaladaas lagu soo rogay

Badhasaabka Awdal Mr. Ramaax Sidee ayuu uga badbaaday Weerarka Xukuumaddu ku eedaysay inay soo qaadday Malleeshiyada Suldaan Wabar?

Dagaalkaas ka dib waxay Ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen shan Xubnood oo mid ka mid ahi dhaawac yahay, waxaana lagu qabtey (Kaa dhaawac ah) qori M16 ah iyo 23 xabbo oo Rasaas ah isagoo dagaalamaya…”

“Gobolka Awdal loogama barannin Jabhadayn iyo dagaal. Laakiin, wattaas dhacday, waa nasiib-darro Xukuumaddan haysata….” Guddoomiye Ku-xigeenka WADDANI Axmed Muumin Seed

“Awdal iyo gobollada kale-ba waxaannu leenahay ammaanka innoo suga oo yaanay.. Ciidanka Qarankana waxaan leeyahay Cidna yeynaan ka yeelin inay nabadda carqaladayso..” Musharrax Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa, 08 October, 2015-(Himilo)- Ugu yaraan saddex qof, ayaa ku dhintay weerar habeen-hore lagu soo qaaday Guriga Badhasaabka Awdal ee magaalada Boorama, halka gelinkii dambe ee shalayna mid ka mid ah saddexdaas ruux uu ku dhintay Rasaas Askarta Booliska ee sugayey Ammaanka Garoonka Kubbadda Cagta Xaaji Daahir ee magaaladaas. Waxaana weerarka habeen-hore ku dhaawacmay laba Askari. Waxaanu Taliyaha Boolisku sheegay in shan ka tirsanaa kooxda weerarka fulisay oo mid dhaawac yahay xalay lagu qabtay Boorama, halka 26 ruux oo kale loo xidhay kiiskaas.

Sawirka Weerarka BadhasaabkaWeerarkaas oo wakhti ay goor-sheegtu maraysay saddexdii habeennimo iyo dheeraad ee habeen-hore lagu soo qaaday Guriga Guddoomiyaha gobolka Awdal ee magaalada Boorama oo ay Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland ku eedeeyeen Malleeshiyada Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar ee Xadka ay Somaliland kala leedahay Itoobiya dhinaca Awdal, gaar ahaan gudaha Itoobiya la sheego inay Jabhaddiisu ku dhuumaalaysato, waxaa ku dhintay laba Askari oo Booliska iyo Millateriga ka kala tirsanaa, halka ay laba kalena ku dhaawacmen, Badhasaabka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) la badbaadiyey, sida ay sheegeen Masuuliyiinta dawladda Somaliland u hadlay.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo la hadlay, ayaa caddeeyay in Dabley hubaysani soo weerartay Gurigiisa, isla markaana weerarkaasi lagu dilay laba Askari oo ka tirsanaa ilaaladiisa, waxaanu ku eedeeyey Weerarkaas inay soo qaadday Malleeshiyada Suldaan Wabar oo ka soo horjeeda Qarannimada Somaliland, waxaanu sheegay in xaaladdiisu fiican tahay Guddoomiye ahaan oo aan wax dhibaato ahi soo gaadhin.

Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdi Daahir Camuud, Wasiir Ku-xigeenka Maamulka gobollada iyo degmooyinka ee Wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Cadarre iyo Taliyaha Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa ka hadlay sida wax u dhaceen habeen-hore, iyagoo xalay iyo shalay Warbaahinta kula kala hadlay magaalada Hargeysa.

“Waxaanu  ka tacsidaynaynaa ciidamada qaranka somaliland labadaa askari ee ku dhintay weerarkii Xalay (Habeen hore) Maleeshiyaad kooxda (Suldaan)Wabar ayaa weerar kusoo qaaday magaalada Boorame, gurigii badhasaabka gobolka,  halkaasi oo uu kasoo gaadhay khasaare  ciidamada qaranka laba  dhimasho ah iyo laba dhaawaca, Nasiib daro ragii falka gaystay way fakadeen, waxna magaalada ayay ku guda jiraan oo raadkoodii waa la daba hayaa,qaarna waxaa noo sugan imika inay gudbeen.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeen Cadarre.

Wasiir Ku-xigeenka Maamulka gobollada iyo degmooyinka ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Axmed Cadarre oo Shirkaas Jaraa’id ka hadlay, waxa uu yidhi; “Nimankaas aamminsan falka argaggixiso ee falkaasi geystay waa lagu daba-jiraa, waxa ammaan mudan oo aannu ammaanaynaa Shacabka reer Awdal oo inta badan aad iyo aad ula shaqeeya Hay’adaha nabadgelyada, oo aannu ku rejo waynahay in immika kuwa isqarinayana ay soo qaban doonaan. Waa waajib Qaran oo inna wada saaran dhammaanteen-ba, waxaannu leenahay nimankii falka geystay waannu ku daba-jirnaa.”

Sidoo kale, Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Cabdi Daahir Camuud oo ka hadlay shir Jaraa’id oo ay isaga iyo Wasiir Ku-xigeenka kale shalay ku qabteen Hargeysa, waxa uu yidhi; “Wixii meesha ka dhacay waa la ogyahay oo laba Askari oo mida Ciidanka Qaranka yahay midna Booliis yahay, ayaa ku dhintay Illaahay ha u naxariisto, oo Jannada ha geliyo, hawlgal bay ku dhinteen, wixii  hawlgalana waa la wadayaa oo loo joojin maayo cidna, dad farabadanna waa loo qaban doonaa.”

Hase-yeeshee, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo xalay cawaysinkii Shir Jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in la soo qabtay shan ka tirsan Kooxdii weerarka ku soo qaadday Guriga Guddoomiyaha gobolka Awdal oo qaarkood dhaawac yihiin, sidoo kalena illaa 26 qof oo kale loo xidhay dhacdadaas oo baadhitaan ku socdo.

Taliye Fadal oo ka hadlaya sida nimankaas lagu soo qabtay, waxa uu yidhi; “Waxaanu helay xog dhab ah oo sheegaysa goobta ay ku sugan yihiin kooxdii dablayda ahayd ee askarta laayey, markaa boolisku iyagoo fulinaya sharciga waxay tageen goobtii nimankaasi ku sugnaayeen waxaana dhex maray dagaal, dagaalkaa ka dib waxay Ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen shan Xubnood oo mid ka mid ahi dhaawac yahay, waxaana lagu qabtey (Kaa dhaawac ah) qori M16 ah iyo 23 xabbo oo Rasaas ah isagoo dagaalamaya oo ciidanka Rasaas ku ridaya. Wuxuu qiraal ku bixiyey (Ninka dhaawac ahi) inuu ka mid yahay raggii weerarka geystay.”

“ILLAAHAY baa Mahad leh waana guul Qaranka Somaliland u soo hoyatay, waxaan halkan amaan uga soo jeedinayaa Raggii hawshaa fuliyey ee ciidanka booliska ahaa, sida Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Allifleyda iyo Dableyda, waxaan leeyahay waa dal-jirayaal. Weerarka (Guriga badhasaabku) markuu dhacay ka dib, waxa la soo qabtey dad tiradoodu dhan tahay 26 qof, kuwaasi oo qaarkood lagu eedaynayo inay arrimahan ku lug lahaayeen ama ay abaabulayeen, waxaana lagu kala saari doonaa baadhista, hawl-galkiina weli wuu socdaa.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan.

Hase-yeeshee, Taliyaha Booliska Somaliland kama hadal dhacdada gelinkii dambe ee shalay ka dhacday Boorama markii Koox dhalinyaro ah oo isku dayday inay muddaharaadaan markii Ciyaaraha laga dareeray ay Boolisku Rasaas ay ku fureen ku dhacday Wiil dhalinyaro ah oo rasaastaas u dhintay iyo Gabadh dhalinyaro ah oo iyadana Rasaastaas dhaawac ka soo gaadhay. Iyadoo magaalada Boorama xalay Bandoo lagu soo rogay ka bilaabantay fiidkii hore-ba, xaaladda kacsan iyo arrimo adkaynta ammaanka la xidhiidha dartood.

Geesta kale, Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa ka hadlay dhacdadaas oo ay ku tilmaameen mid fool-xun oo ay si kulul u cambaaraynayaan. Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed, ayaa tacsi u diray Qoysaska, Ehellada iyo Ciidammada ay ka baxeen labada Askari oo weerarkaas lagu dilay, sidoo kalena Allaah uga beryey inuu caafimaad siiyo kuwa ku dhaawacmay.

“Innaa lilaahu wa inaylaynaa raajicuun, waxaanu tacsi tiiraanyaysan halkan u marinayaa labadii askari ee ku dhimatay iyo askartii ku dhaawacmay guriga badhasaabka Boorama oo lasoo weeraray Xalley (Habeen hore) ilaahay waxaan uga baryaynaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo Askartaas.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee WADDANI oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Runtii waa nasiib-darro, waa arrin cajiiba oo mucjiso ku ah marka loo eego gobolka, gobolka Awdal loogama barannin Jabhadayn iyo dagaal. Laakiin, wataas dhacday, waa nasiib-darro haysata Xukuumadda maanta jirta oo gobolladii ugu ammaanka badnaa ay maanta dhibaato ka jirto.”

Sidoo kale, Musharraxa u taagan Jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa isaguna ka hadlay weerarkaas iyo sida ay Xisbi ahaan uga xun yihiin, waxaanu tacsi u diray Qoysaska iyo Ehelada iyo Ciidammada Millateriga iyo Booliska ee ay ka baxeen labada Askari ee la dilay oo uu Allaah uga beryey inuu u naxariisto, sidoo kalena caafiyo labada Askari ee dhaawaca ah. Waxaanu Jamaal ugu baaqay reer Awdal inay nabadgelyadooda ilaashadaan.

“Waxaannu leenahay waar nabadda halla ilaaliyo, in Guriga Guddoomiyaha gobolka la weeraro fal wanaagsan maaha. Awdal iyo gobollada kale-ba waxaannu leenahay ammaanka innoo suga oo yaanay xamaasadda Ciyaaruhu inna qaadin, Ciidankan Qarankana waxaannu leenahay cidna yaynaan ka yeelin inay carqaladayso nabadda aynu ku naalloonayno.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen. Waxaanay dhacdadani ku soo beegantay iyada oo magaalada Boorama uu ka socdo Tartanka Is-reebreebka Wareegga koowaad ee Ciyaaraha gobollada Somaliland oo toddoba gobol oo ka mid ah kuwa tartamayaa ay maalintii labaad dorraad ku ciyaareen magaaladaas, halka shalay oo ay maalintii saddexaad galeenna rabshadda dhimashada hal Wiil iyo dhaawaca hal Gabadh Boolisku ka geystay isla Boorama.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment