Waxaayabaha ugubka ah waxa ugu horreeya tirda wasiirada oo tii hore ka badan maadaama wasaarado hore la kala jabiyey kuwo cusubna la magaacabay. Raysulwasaaraha ayaa magaacabay 26 wasiir iyo jagooyin u dhigma wasiiro.Wasiirka ugu caansan ee jagadiisii waayey waxa weeye Sufiyaan Axmad oo ahaa Wasiirkii Maaliyadda iyo dhaqaalaha. Ninkan ayaa 23-kii sano ee la soo dhaafay jagooyin kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii EPRDF. Waxaa lagu badalay Cabdulcasiis Maxamad oo ahaa madaxweynihii hore ee Oromiya.
Kassa Tekleberhan ayaa loo magaacabay wasaarada arrimha killilada iyo hourumarinta xoolo-dhaqatada. Wasaaradan ayaa inta badan si dadban u xukunta 4-ta killil ee dib-u-dhacsan kuwaas oo kala ah: Soomaalida, Canfarta, Gambeellaha iyo Binshangulka. Wasiirka ayaa lagu tilmaama dadka aadka u daneeya la dagaalnka musuqa iyo dawladnimo-xumida.
Ridwaan Xuseen oo horey u ahaa afhayeenka dawlada ayaa loo magacaabay wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada, halka Getechew Reda loo magaacabay booskii hore ee Ridwaan kaaso ahaa madaxa xafiiska dhanka xidhiidhka ee dawlada. Wasaarada biyaha iyo waraabka ayaa loo magaacabay wasiir cusub oo lagu magaacabo Motuma Meqassa.
Haweenay ka soo jeeda gobolka Canfarta oo lagu magacaabo Eng. Caasha Maxamad ayaa loo magaacabay wasaarada dalxiiska iyo dhaqanka. Waxa sheegid mudan, in C/fataax sh Cabdullahi oo ahaa wasiirka kaliya ee qoomiyada Soomaalida matala oo ku jiro wasiirada jagooyinkoodii loo daayey.
QAYBSIGA QOOMIYADAHA:-
Qoomiyada Oromada oo ah ta ugu badan dalka ayaa heshay 9 xubnood oo wasiirada ka mid ah, halka qoomiyada Axmaaradu gudoontay 7 wasiir. Qoomiyada Tigreega ayaa iyaduna qayb u heshay 4 wasiir. Qoomiyadaha ku bahoobay shucuubta koonfureed ayaa iyagana loo qoondeeyey 7 wasiir oo uu ku jiro ra'isulwasaaruhu.
Qoomiyado ay ka mid yihiin Canfarta iyo Soomaalidu ayaa min hal wasiir lagu khaarajiyey. Dhismaha dawlada ayaa lagu soo xidhayaa magaacibada wasiiro-dawlyaasha oo la filayo in lagu dhawaaqo maalinta barri ah. Waxaa kale oo iyada la dhawrayaa in madax badan dhanka diblamaasiyada loo duwo.
Docda kale, shabakada wararka ee Deeganka.com ayaa ka shanqadhisay in madaxweynaha DDSI, Cabdi Cumar, oo ka mid noqon liiska wasiiro-ku-xigeenada la filayo. shabakada ayaa warkeeda ku saleysay ilo lagu kalsoon yahay oo aan la magac dhabin.
Siyaasada DDSI ayaan ahayn mid deggan tan iyo intii khilaafku soo kala dhaxgalay sanadkii hore xisbiga talada DDSI haya. Waxaa jira warbxino sheegaya in dawlada dhaxe ayna ku qancin sidii loo maamulay khilaafkii xisbiga iyo dhismaha xukuumada eega jirta oo si degdeg ah oo sharciga baalmarsan loo dhisay. Khilaafka ayaa dhaliyey in siyaasin iyo shaqaale badan u haajiraan caasimada Itoobiya iyo Dirdhabe.
Wararka aan ke heleyo Addis Ababa ayaa tibaaxaya in dhismaha dawladu raad ku yeealn karto kililo uu ku jiro Ismaamulka Soomaalidu. Wasiirada cusub ee caddaaladda iyo arrimaha federaalka ayaa laga yaaba in ay dardar galiyaan cabashooyin badan oo siyaasiyiin iyo dadweyne ka soo horjeeda xukuumada Madaxweyne Cabdi ay horey u soo gudbiyeen. Haddii arrintani saas u dhacdo waxaa ay saameyn xoog leh ku yeealan karta siyaasada iyo nolosha DDSI oo sanadkii u dambyeye ku jiray xaalad qalafsan oo aan deganeyn.
Guud ahaan shacabka DDSI ayaa u hanqal-taagaya isbadal ay ku diirsadaan iyaga oo indhaha ku haya dhismaha xukuumada islamarkaana miisaamaya jihada ay xukuumadu u dhaqaaqi doonto iyo saamaynta.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment