Friday, October 16, 2015

Shir Lagaga Hadlayo Muranka Hawada Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Ka Furmay Dalka Turkiga

Ankara (Himilo)-Shir caalami ah oo ujeedadiisu tahay sidii xal looga gaadhi lahaa muranka Hawada ee Somalilan iyo Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay dalka Turkiga, gaar ahaan magaalada Ankara.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu kaga waramayo jawiga bilowga shirkaasi, waxaanu u war-saxaafadeedkaasi oo dhameystirani u dhignaa sidan:-  “ Waxa maanta Magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga ka furmay shir rasmi ah oo ay isugu yimaadeen Wufuud ka kala socotay, dawladdaha Somaliland, Soomaaliya, Turkiga iyo xubno ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawada ee ICAO, Shirkaasi oo ku saabsaanaa sidii xal waara looga gaadhi lahaa muranka ka taagan maamulka hawada Soomaaliya iyo Somaliland.

DSCF5028 DSCF5026Shirkaasi oo shalay Subaxnimadii ka furmay Ankara ayey dhincaydu ku falanqeeyeen sidii loo fulin lahaa heshiisyadii hore looga gaadhay arrintaasi,  iyo  sidii labada dhinac u wada maamuli lahaayeen hawada.

Shirka ayaa maanta ku soo dhamaaday falanqayn iyo doodo adag oo dhinacyadu ay is waydaarsadeen, iyada oo Bari-na uu sii socon doono.  Wixii najiito ah ee ka soo baxana waxaanu u soo bandhigi doonaa shacbiga reer Somaliland iyo Saxaafadda Madaxbannaan.”

Wufuuda shirkaasi ka qaybgashay waxay kala ahaayeen sidan:-

Xubnaha Dawladda Somaliland.

1.Maxamuud Xaashi Cabdi,        :Wasiirka Duulista iyo Hawada

2.Saciid Cabdi Maxamed             : Wasiir ku xigeenka Duulista iyo Hawada

3.Saciid Mahdi Ileeye,                 : Agaasimaha Waaxda Duulista

  1. Axmed Cumar Caga-dable,    :  La Taliye


Xubnaha Dawladda Soomaaliya

1.Cali Axmed Jaamac (Gangali)  Wasiirka Duulista iyo Gaadiidka

2.Cabdiwaaxid Cumar            : Agaasimaha Duulista

3.Maxamed Khaliif                  : La Taliye

4.Axmed Cabdiraxmaan          :Sarkaal Hay’adda Duulista

Xubnaha Hawada ICAO

1.Ivan Galan                     :  Agaasimaha xafiiska farsamada iyo iskuxidhka

2.Nancy Onyedim               : Sarkaal ka tirsan Waaxda Hawl galinta

Dawladda Turkiga

  1. Olgan Baker             : Safiirka Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya

  2. Kareem Yilmaz         : Xoghaya koowaad ee Wasaaradaa Arrimaha dibada

  3. Hulusi Kilic                 : Agaasimaha bariga Afrika

  4. Ahmed Riza Demirer  : Ergayga gaarka ah ee wadahalada Somaliland iyo Soomaaliya

  5. Seval Ince  :                 Air Traffic Controller


 

ALLA MAHAD LEH.

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment