Saturday, October 17, 2015
Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo lagu daray Shan Dawladood oo cusub
N.york, 17 October, 2015-(Himilo)- Dawladaha Masar, Japan, Senegal, Ukraine & Uruguay ayaa si rasmi ah uga mid noqday Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib markii habeen hore cod loo qaaday dalalka doonayey inay buuxiyaan xubnaha Golaha Amaanka ee meertada ah ee 2da sano ee soo socota kuwaasi oo loo doortay shantan dal ee ka kala yimid Afrika, Laatiin Ameerika, Aasiya iyo Europe.
Dalalka xubnaha ka noqonaya golaha amaanka ayaa beddelaya kuraasta ay ku fadhiyeen dalalka Chad, Chili, Jordan, Lithuania iyo Nigeria.
Golaha ammaanka ayaa ah kan ugu awoodda badan Qaramada Midoobay, wuxuuna ka kooban yahay 15 xubnood oo ay shan kamid ah yihiin kuwa joogtada ah ee leh awoodda VETO ama diidmada Qayaxan, sida USA, UK, Ruushka, China iyo France.
Tobanka kale ee dalalka xubnaha ka ah Golaha ayaa xilka haya muddo 2 sano ah, waxaana loogu qeybiyey 3 kursi oo Afrika ah, 2 kursi Asia, 2 Kursi Latinka, 2 kursi dalalka Galbeedka Yurub (West Europe) iyo hal kursi oo loo qoondeeyey dalalka Bariga Yurub (East Europe).
Dalalka sanadkan ku guuleystay xubinimada Golaha Amaanka ayaa olole ka waday Golaha Loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo iyagu habeen hore codka u qaaday doorashada buuxinta kuraasta Golaha Amaanka.
Dalka Ukraine ayey si gaar ah guul ugu tahay xilka loo doortay maadaama ay xiisad weyn kala dhaxeyso dalka Ruushka oo xubin joogto ah ka ah golahaasi, isla markaana hada kahor horjoogsaday Qaraar ay dowladaasi Ukraine u ololeenaysay.
HIMILOMEDIA
HARGEYSA OFFICE
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment