Ankara, 11 October, 2015-(Himilo)- Ganacsato u dhashay dalka Turkiga, ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadda Soomaaliya u oggolaatay inay ka qeybgalaan Qandaraas Xukuumadda Somaliland dabayaaqada sannadkan ku bixin doonto casriyeynta iyo Maamulka Dekedda Berbera.
Qoraal shalay lagu baahiyey Mareegta Ururka Ganacsatada wax-dhoofisa ee Turkiga oo Xoghayaha Ururkaasi ku saxeexnaa, ayaa lagu sheegay in Warbixin xubno Ganacsatada Turkiga ka tirsani ku yeesheen Safaaraddooda Muqdisho kaga arrinsadeen Qandaraaska lagu bixinayo wareejinta Maamulka Dekedda Berbera iyo Casriyeynta Dekedda-ba. Waxaana lagu yidhi Qoraalkaas; “Maalgelinta Dekedda Berbera ee Soomaaliya, waxay Xukuumadda Soomaaliya ballan-qaadday inay ansixin doonto Mashruucaas.”“Shirkadda Turkiga ee Maamusha Dekedda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxa u qorshaysan inay ka qeybgalaan tartanka Xaraashka, isla markaana Xafiiska Turkigu ku leeyahay Hargeysa waa u diyaar inuu u fidiyo wixii macluumaad ay uga baahdaan Wakiilladayadu ee la xidhiidha arrinkaas.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalkaas lagu baahiyey Mareegta Ganacsatada wax dhoofisa ee Turkiga.
Hase-yeeshee, Wakiilka Xafiiska Turkigu ku leeyahay Hargeysa Muzaffer Yüksel oo Wargeyska Himilo xidhiidh la yeeshay si uu tafaasiil dheeraad ah uga helo macluumaadka warbixintan iyo siduu u arko in Shirkad Turkiga ah fasax uga soo qaadato Soomaaliya, ka qeybgalkooda Qandaraaska Dekedda Berbera, ayaa ku jawaabay inaanu waxba kala socon, waxaanu yidhi; “Hore uma maqlin warkan, weydiintaada mooyee. Warkan lama socdo, wax macluumaad ah oo la xidhiidhana, ma hayo.”
Tallaabadan ayaa muujinaysa sida Xukuumadda Turkiga iyo Ganacsatadoodu-ba isaga indho-tirayaan xaqiiqada Madax-bannaanida Somaliland, ulana dhaqmaan sidii gobol ka tirsan Soomaalliya, balse waxaynu eegi doonnaa sida Masuuliyiinta Somaliland ee qaabbilsan arrimaha dibedda iyo Ganacsigu u maareeyaan dalabkooda ka qeybgalka tartanka casriyeynta iyo wareejinta Maamulka Dekedda Berbera.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment