Sunday, October 11, 2015

Wasiirrada Xukuumadda oo ku kala qaybsamay Muuse Biixi iyo Axmed-Siilaanyo kooda u sharraxan jagada Madaxweynaha KULMIYE iyo Xogaysiga Hirdanka ismuujinta Golaha dhexe

Dublin/Hargeysa, 11 October, 2015-(Himilo)- Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Somaliland, ayaa weli ku kala qaybsan Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi midooda u taagan Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE. Iyagoo Wasiirro iyo Masuuliyiin kale oo Golaha dhexe ee KULMIYE ka tirsani maalmihii u dambeeyey kulammo ay Hargeysa ku yeelanayeen ku sheegayey inay codkooda ku taageerayaan Musharrax Muuse Biixi marka la gaadho Shirka Golaha dhexe ee Xisbigaas oo loo muddeeyey tobanka bisha soo socota.

Waxaana tan iyo markii la cayimay qabashada shirka Golaha dhexe ee KULMIYE dhammaadkii bishii hore oo loo muddeeyey tobanka bisha November ee sannadkan 2015-ka soo xoogaysanayey dhaqdhaqaaqyada taageero raadinta iyo ismuujinta Xubnaha sheegay inay u sharraxan yihiin Jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ee Xisbiga KULMIYE, gaar ahaan jagada Madaxweynaha oo Rag badani shaaciyeen inay u taagan yihiin. Isagoo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi dhaqdhaqaaqyadiisu yihiin kuwa ugu saamaynta badan maalmihii u dambeeyey, isla markaana uu kulammo la yeelanayey Xubnaha Xukuumadda iyo laamaha kale ee dawladda kaga jira Beelaha Somaliland ee ka tirsan Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ee iyagu Codaynta marka shirka Golaha dhexe ee Xisbigaas la gaadho qabashadiisa, kuwaasoo muujinayey taageero inay la garab-taagan yihiin Muuse.

Cukuse55Haddaba, iyada oo ay sidaas tahay, horena ay Wasiirro Xukuumadda ka tirsani u shaaciyeen in cidda keliya ee weli Musharraxa jagada Madaxweynaha KULMIYE u taagan ee la ogyahay yahay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo, ayuu Afhayeenka Xukuumadda Somaliland ahna Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka mid ah Weftiga Madaxweyne Siilaanyo ee hadda Ingiriiska ku sugan, waxa uu sheegay in weli cidda u taagan jagadaas uu yahay Madaxweyne Siilaanyo.

“Xisbiga Kulmiye oo ah Xisbiga ugu wayn dalka waxa uu dhawaan qabsanayaa shirkiisii 5aad ee Golaha dhexe. Waxaan doonayaa inaan idiinka iftiimiyo Madaxwaynaheennu waa Axmed Maxamed (Siilaanyo), inta aynu ognahay Musharraxeennu waa isaga.” ayuu yidhi, Wasiir Cukuse oo khudbad u jeedinayey Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan Caasimadda dalka Ireland ee Dublin oo Wefti Madaxweynuhu hoggaaminayo safar ku tageen toddobaadkii hore.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland waxa uu intaas ku daray oo uu sheegay in Madaxweynuhu oggol-yahay in Shirka Golaha dhexe lagula tartamo, waxaanu yidhi; “Marar badan waxaad dareentaan in diimuquraadiyaddeenna iyo tartanku xanaf isku reebaan  oo ay yimaaddaan is xagxagasho iyo dhawaaqyo aan inna farxad gelin, waxaannu leenahay  Madaxwaynuhu wuu oggol yahay in sidii caadiga ahayd Muwaadiniinta Xisbiga ka tirsani si caddaaladda ugu tartamaan iyagoo xor ah oo leh xaqa ay siiyeen Dastuurka iyo xeerka Xisbigu-ba.”

Hadalkan Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli uu Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda, Cismaan Cabdillaahi Saxar-diid (Caddaani) uu Khamiistii doraad ka sheegay Magaalada Hargeysa, kaasi oo nuxurkiisu ahaa in la soo gaadhay wakhtigii Musharraxa Madaxwaynaha ee xisbiga KULMIYE loo dooran lahaa Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

CADAANNIWasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo ka hadlayey Madal Xubnaha Beesha Habar-yoonis ugu jira Golaha dhexe ee KULMIYE qaarkood la sheegay inay ku taageereen Musharraxnimada Muuse Biixi, ayaa yidhi; “Haddii aannu nahay Guddiga Habar-yoonis ee ku jira Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo tiradayada guud ee Golaha ku jirtaa waa 26 Xubnood, waxa annagoo 20 ka mid ah aannu idinku bushaaraynayaa in taladayadu noqotay in Murrashaxa xisbiga KULMIYE oo noqda Madaxweynaha mustaqbalka ee Jamhuuriyadda Somaliland waa Muuse Biixi Cabdi.”

“Haddaba, su’aashu waxay tahay dad kala wada fikir ah baannu ahayne maxaannu ku doorannay Muuse? Jawaabtu waxay tahay Odayashaa ay ka mid yihiin; Axmed Boodhle, Daahir Geel-jire iyo Cismaan Kaahin, Madax-dhaqameedka, Ragga iyo Hablaha Habar-yoonis ee halkan fadhiyaa waxaannu ku doorannay Muuse Biixi, waqti walba ninkeeda iyo taladeedu xagga Alle ayey ka socotaa, waxaannu qabnaa in waqtigani yahay kii Muuse, waayo? Waa Mujaahid halgan dheer oo uu naftiisa u soo huray u soo galay dalkan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha Maaliyaddu.

Mr. Caddaanni oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku daray; “Halgankii dalkan loo soo maray wax sahlan muu ahayn, waxa laga yaabaa in dadka qaar yidhaahdaan Muuse dabeecaddiisu waa caynkaa, laakiin cid waliba way ogtahay hoggaamintiisu waxay tahay, halka uu ka soo saaray dalkan iyo halka uu gayn doono. Waxa kaloo aannu ku raacnay xisbinimada iyo samirka uu muujiyey.”

Si kastaba ha ahaatee, hadallada Wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka soo yeedhay, ayaa muujinaya inaan weli lagu wada socon musharraxa rasmiga ah ee jagada Madaxweynaha KULMIYE, iyadoo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan-na dhawaan sheegay in Madaxweyne Siilaanyo u sharraxan yahay mar la weydiiyey inuu isagu musharrax yahay 9-kii bishii hore. Inkasta oo ay jiraan tiraba Musharrixiinta hankooda shaaciyey Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), iyo Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan iyo Xubno kale oo iyaguna u sharraxan Jagada Ku-xigeenka Madaxweynaha KULMIYE, kuwaasoo qaar shaaciyey iyo kuwo aan shaacin ee si dadban u wada-ba isugu jira. Waloow ay jiraan Xogo badan oo muujiyey in Siilaanyo aanu musharrax ahayn mar labaad, haddana marka loo eego hadallada kala duwan ee ka soo kala yeedhaya Wasiirradiisa, waxay u muuqdaan kuwo cid lagu qaldayo, saxdana ay u dhaw yihiin kuwa kala taageeraya Musharrixiinta aan Siilaanyo ahayn, isaga oo aan marnaba si cad u shaacin Madaxweynuhu inuu taagan yahay doorkan iyo inuu tanaasulay toona.

Himilomedia.com

Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment