Tuesday, October 13, 2015

SONSAF oo beenisay Fikir Bulshada Somaliland hore uga haysteen, digniinna u jeediyey Qaadhaan-bixiyeyaasha

 

Waa maxay Mawqifkooda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya?

Hargeysa 13 October, 2015 (Himilo)- Fagaaraha ka qeybgalayaasha aan dawliga ahayn ee Somaliland (SONSAF), ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inaanay siyaasadayn qaadhaanka ay siiyaan Somaliland ee dhinacyada kala duwan, isla markaana maskaxda ku hayaan inaan weligeed Somaliland hoos tegi doonin Soomaaliya.

Kulan dhawaan kooxo SONSAF ka tirsan oo qaabbilsan dhinacyada Nidaamka Dimuquraadiyadda, dhismaha dawladda, waxtarka qaadhaanka iyo deegaanku ku yeesheen Hargeysa, ayaa lagaga hadlay sidii dib loogu eegi lahaa hawlahii ay soo qabteen, iyo waxyaabaha u baahan in dib u habayn lagu sameeyo.

Kulanka, ayaa waxyaabahii laga hadlay ka mid ahayd in Qaadhaan-bixiyeyaasha Beesha Caalamku la socodsiiyaan Xukuumada Somaliland macluumaad dhammaystiran oo la xidhiidha mashaariicaha ay fulinayaan iyo dhaqaalaha iyo arrimo kale oo la xidhiidha.

Qoraal SONSAF kaga hadlaysay mawqifkooda la xidhiidha waxtarka Qaadhaanka, ayaa loogu jeediyey Beesha Caalamka nidaamka habboon inay u raacaan taageeradooda,

“Beesha Caalamka waxa looga baahan yahay inaanay siyaasadayn qaadhaankooda iyo taageeradooda horumarinta, isla markaana Maskaxda ku hayaan inaan Somaliland weligeed hoos tegin Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, taasina khalad ku tahay xuquuqaha aasaasiga ee xukuumada Somaliland, kana horimanayso dastuurka Somaliland, qodobkiisa 1 & 2. Somaliland weligeed qeyb kama ahayn Federaal, mana aqoonsan jiritaankeeda.”

Mawqifka Ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF, ayaa sidoo kale lagu sheegay in beesha caalamku warbixin dhamaystiran ka siiyaan xukuumada mashaariicaha ay soo helaan, waxaana qoraalkaas lagu yidhi; “Qaadhaan-bixiyeyaashu wa ainay u gudbiyaan xukuumada warbixin dhamaystiran, xaqiiq ah, kuna sheegayaan dhaqaalaha, sida loo isticmaalayo iyo dhamaan waxii la xidhiidha.”

Mawqifka Ururrada aan dawliga ahayn SONSAF, ayaa noqonaya mid wax weyn ka bedelaya fikir inbadan oo ka tirsan bulshadeena hore u qabeen in Ururrada aan dawliga ahayn yihiin kuwo aan ixtiraamin shuruucda iyo qawaaniinta u yaalla Somaliland.

 

HIMILOMEDIA

HARGEYSA OFFICE

 

No comments:

Post a Comment