Tuesday, October 13, 2015

Xuska 61-guurada Calanka Soomaaliya: Madaxweyne Xasan Sheekh Muxuu ka yidhi in la beddelayo Calanka?

 

Muqdisho, 13 October 2015-(Himilo)- 61-Guurada ka soo wareegtay samaynta iyo hirgelinta Calanka Soomaaliya, ayaa shalay looga dabbaal-degay Soomaaliya, isla markaana waxaa Munaasibad lagu maamuusayo maalinta Astaanta Qaranka Soomaaliyeed ee Calanka lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda waddankaas, maalintaas oo ku beegan 12-ka October sannadkan 2015-ka, kaasoo la sameeyey 12-kii October 1954-kii.

Madaxweynaha dawladda Federaalka, Raysal-wasaaraha, Shir-guddoonka Baarlamaanka, Xildhibaanno, Wasiirrada Xukuumadda, Masuuliyiinta kala duwan ee laamaha dawladda, Taliyeyaasha iyo qaybaha kala duwan ee Ciidammada, Masuuliyiin iyo Ciidammo ka tirsan Midawga Afrika (AMISOM) ee Soomaaliya ku sugan iyo Masuuliyiin dalal kale ka socday, ayaa ka qaybgalay Munaasibaddaas lagu qabtay Isniintii shalay magaalada Muqdisho ee loogu dabbaal-degayey ama lagu xusayey 61-guurada ka soo wareegtay markii la sameeyey Calanka Buluugga ah ee Xiddigta shanta gees lihi dhexda kaga taallo ee waddanka Soomaaliya.

Waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Munaasibaddaas ka hadlay sheegay in Calanku yahay Astaan Qaranka Soomaaliyeed muhiimad weyn ugu fadhida oo taariikhi ah, isla markaana waxa uu beeniyey warar dhawaan lagu sheegay in Calanka wax laga beddelayo, gaar ahaan in Xiddigta Cad ee shanta gees leh oo wararkaas oo Baraha Internet-ka qaarkood lagu faafiyey lagu xusay inay ka cawdeen oo wax ka beddelkiisa dalbadeen dawladaha Ethiopia, Kenya iyo Djibouti oo markii Calanka la samaynayey qorsha Xiddigtu u taagan tahay ahaa Midaynta Shantii Soomaaliyeed ee ay kala xukumi jireen dawladaha Italy, Britian, Ethiopia, Kenya iyo France. Kuwaasoo keliya ay laba ka mid ahi isku raaceen calankaas oo ahaa Soomaalidii Talyaanigu gumaysanayey iyo Soomaalidii Ingiriisku gumaysanayey 26 June 1960.

“Wararka lagu baahiyay Internet-yada ee ah in Calanka la beddelayo, Xiddigiitsana wax laga beddelayo waa been-abuur aan sal iyo raad lahayn. Waa ku-tiri-ku-teen warkaasi, waana mid loogu talo-galay in Shacabka Soomaaliyeed lagu jaho-wareeriyo.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud oo Munaasibaddaa Xuska 61-guurada Calanka ee Muqdisho lagu qabtay ka hadlay.

Waxaanu Madaxweynaha Soomaaliya intaas ku daray; “Waxaan rabaa inaan Maanta halkan uga sheego Shacabka Soomaaliyeed in Calankoodu uu yahay Calankii la taagay 26-kii June sannadkii 1960-kii, Mana jiro qorshe lagu doonayo in wax lagaga beddelo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ugu Baaqay Maamul-goboleedyada iyo dawladaha hoose ee Magaalooyinka waddanka Soomaaliya, inaanay Calammadooda la simin Calanka guud ee Qaranka Soomaaliyeed ee ay waajib tahay inuu isagu ka sarreeyo Calammada Maamul-goboleedyada iyo dawladaha Hoose xarumohooda ka taagan.

Calanka Buluugga ah ee Xiddigta Cad ee Shanta Gees lihi dhexda kaga taallo, ayaa la sameeyey 12-kii October, sannadkii 1954-kii, markaas oo aanay Soomaaliya Xor noqon ee ay ku hoos-jirtay Gacanta Gumaystayaasha, hase-yeeshee, ay socdeen dabaylo Gumaysi-diid ah oo Xornimo-doon ah, markaasoo ay ololaha ku wada jireen Soomaalidii Talyaaniga oo Koonfurta Soomaaliya ah, Soomaalidii Ingiriisku haystay oo Somaliland ah, Soomaalidii Faransiisku gumaysanayey oo Jabuuti ah, Soomaalida Waqooyi-Bari ee Kenya oo Ingiriisku markaas gumaysan jiray iyo Soomaalida Killalka shanaad ee Itoobiya oo Ingiriisku Itoobiya ku laaluushay, kuwaasoo dhammaantood la doonayey inay is-raacaan.

Waxaana hindisihiisa lahaa oo sameeyey Calanka Allaah ha u naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan, iyagoo Guddiyo ka socday Gobannimo-doonkii shantaas Soomaaliyeed dood iyo falan-qayn dheer ka dib aqbaleen oo ansixiyeen qaabkii uu Marxuumku Calankaas u hindisay oo ah sida uu hadda yahay, ka dib markii Allaah ha u naxariisteee Maxamed Cawaale Liibaan uga jawaabay Guddiyadaas Su’aalo tiro badan oo ay weydiiyeen, isla markaana uu si fiican uga qanciyey, waxaanu Marxuumku Astaan u noqday oo lagu xusaa sannadkasta marka Calanka loo dabbaal-degayo oo loo duceeyo.

Inkasta oo aan lagu guulaysan inay Shantii Soomaaliyeed Guudka wada sudhaan calankaas markii ay saddex ka mid ahi hawshaas ka gaabiyeen, haddana markii u horreysay ee Xornimada lagu maamuuso Calankaas waxay ahayd 26 June 1960-kii markii Somaliland ay xornimada ka qaadatay Boqortooyada Britian oo laga taagay badhtamaha magaalada Hargeysa oo hadda ah Caasimadda Somaliland, halka Koonfurta Soomaaliya-na ay Xornimada ka qaadatay Talyaaniga 1-dii Luulyo 1960-kii, isla maalintaas oo ay Midoobeen Soomaalidii Waqooyiga ee Ingiriiska ka xoroowday iyo Soomaalidii Koonfurta ee Talyaaniga ka xoroowday oo ay isku raaceen Calankaas oo hadda dhulka ay Somaliland Maamusho aad looga neceb-yahay, isla markaana dembiile loo aqoonsado qofka lagu arko, cid lagu arki karaana aanay jirin.

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment