Tuesday, October 13, 2015

Wasiirka Warshadaha Somaliland oo faahfaahin ka bixiyay Shir uu kala Qayb galay dawlada Federaalka Somaliya iyo maamulka Puntland

Hargeysa (Himilo)-Wasiirka warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse ayaa faahfaahin ka bixiyay shir uu kala qayb galay Wasiiro ka tirsan dawlada Federaalka somaliya oo ka dhacay dalka Holand.

 
Wasiir Shucayb waxaa uu ku dooday in shirkaasi ay kaga qaybgaleen iyagoo matalaya qaranka Somaliland balse aanay ahayn maamul goboleed ka tirsan dawlada Somaliya isagoo sheegay in shirkaasi guulweyn u yahay dalka Maadaama aanu la kulanay buu yidhi wasiirka ganacsiga dawlada Sweden oo aanay hore ula kulmin dawladu.
Wasiirku waxaa uu sheegay in urur ka jira dalka Natherland uu kusoo casuumay shirkan islamarkaana shirkan uu dan u ahaa Somaliland maadaama lagaga hadlayay arimaha maalgashiga Somaliland iyo somaliya.
Hadaba Warka Wasiirka warshadaha oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kana hadlay arimaha shirkan iyo loolanka Xisbiga kulmiye Waxaanu idiin kusoo gudbin doonaa Video-gan ee daawasho Wacan.

 

https://www.youtube.com/watch?v=cfGYKBK5620

Himilomedia

Hargeysa office

 

No comments:

Post a Comment