Hargeysa 13, October, 2015(Himilo)-Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali ( Rayte) oo ka tirsan xildhibaanada golaha wakiilada kana mid ah Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa sheegay in Xisbiga Waddani walaacwayn ka qabo inuu la tartamo musharax Maxamed Biixi Yoonis oo ka mida musharaxiinta ku hirdamaya jagada Madaxwaynenimo ee Xisbiga Kulmiye 10 bisha November ee sanadkan.
Xildhibaanku waxaa uu sheegay in xisbiga Waddani jeclaan lahaa inuu soo baxo musharax ay kaga badiyaan tartanka doorashada 2017 ee lagu wado inay dalka ka dhacdo, balse ay adagtahay in laga guuleysto musharax Maxamed Biixi Yoonis oo ay jeclaan lahaayeen in golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye iska Dhexdoorto musharax ay ka badin karaan ee aanay dooran Maxamed Biixi Yoonis.
Xildhibaan oo arimahan ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaanu qabnaa hadii aanu Waddani nahay, Marka sidaa loo eego cida kasoo dhexbixi karta Kulmiye, ninkaa aan soo salaamay (Maxamed Biixi Yoonis)waa ninka khatarta nagu ah hadaanu Waddani nahay, markaa hoosta waxaanu ka jeclaan lahaynba cidaanu ka helno inay soo baxdo.”


Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment