Sunday, October 4, 2015
Xukuumada Somaliland oo Shaacisay In Si Toosa Loo Daawan doono Tartanka Isreebreebka Gobolada Somaliland Oo Beri Furmaya.
Hargeysa,October 4, 2015(Himilo)- Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigalinta Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay doorka ay ka qaadan doonto tartanka isreebreebka ciyaaraha gobolada Somaliland oo maalinta beri ah si rasmiya uga furmaya magaalooyinka Burco iyo Boorama.
Wasiir ku xigeenka wasaarada Warfaafinta Ahna Ku simaha wasiirka Wasaaradaasi Marwo Shukri Xariir Ismaaciil ayaa sheegtay in wasaarada warfaafintu kaalin muhiima ka qaadan doonto soo tabinta tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland, iyadoo sheegtay in wasaaradu warfaafinta oo adeegsanaysa Telifishanka qaranka, Radio Hargeysa, Wargeyska Dawan, Wakaalada Wararka Solna ay si toosa usoo tabin doonto tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland.
Marwo Shukri waxaa ay sidoo kale sheegtay in wasaarada warfaafintu Hawl wadeenadeeda u kala dirtay gobolada uu tartanku ka bilaabmi doono si ciyaaraha tartan gobolada loo gaadhsiiyo dhamaan dalalka caalamka iyo wadamada aynu jaarka nahay.
Wasiirka ku xigeenka warfaafintu waxay sheegtay in daawashada ciyaaraha si toosa loo soo dayn doono islamarkaana maalina Burco ciyaaraha ka socda la daawan doono maalina Boorama ciyaaraha ka socda lasoo tabin doono, iyadoo sheegtay in Maalinta Burco iyo Boorama Mid kamida la daawanayo takalena si toosa looga soo dhageysanayo Radio Hargeysa.
Halkan Hoose waxaanu idiin kusoo bandhigi doonaa shirka Jaraa’id ee wasiir ku xigeenka warfaafintu ku qabatay xafiiskeeda ee ay kaga hadlayso Tartan Ciyaaraha Gobolada.
https://www.youtube.com/watch?v=oWw9hp_AYUs
HIMILOMEDIA
HARGEYSA OFFICE
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment