Hargeysa October 4, 2015(Himilo)- Suldaan Mawliid Cali Sabayso oo mudo saddex todobaada ku xidhnaa xabsiga dhexe Ee Hargeysa ayaa maanta laga sii daayay xabsiga.
Markii la siidayay suldaan Mawliid Sabayse ayaa waxaa albaabka hore ee Xabsiga dhexe ee Hargeysa ku Qaabilay Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal iyo salaadiin kale oo tiro badan, Suldaan Mawliid Sabayse oo saxaafada la hadlay ayaa si adag u dhaliilay xukuumada, waxaana uu sheegay ilaa inta uu ka dhimanayo inuu sheegayo runta ee aanu ka gabanayn islamarkaasina xadhiga kasta oo loo adeegsadaana aanu badalayn fikirkiisa.
Geesta Kale Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xadhiga ay xukuumada u gaysatay Suldaan Mawliid Sabayse isagoo Shacbigana ugu baaqay inay u adkaystaan Dhibaatada iyo Xadhiga ay xukuumadani la tiigsanayso Salaadiinta Iyo Cidkasta oo ay cabudhinayso.
Suldaan waxaa kale oo uu sheegay in qaabka loo xidhay Suldaanku aanay ku jirin dhaqanka iyo diinta sidaasi darteedna loo baahanyahay buu yidhi in cod lagu rido xukuumadan marka la gaadho Doorashada
Hadalka Mawliid Sabayse ku dhaliilay xukuumada iyo Kalmada Suldaanku Xasan ka Yidhi Xadhiga Mawliid Sabayse oo Dhan Halkan Hoose Ka Daawo:
https://www.youtube.com/watch?t=5&v=ednN2GPLK40
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment