Sunday, March 30, 2014

Afrika iyo Sheeko faneedda cusub-W/Q Ibraahin Yuusuf axmed "hawd"




Afrika dhul ahaan waa qaarad leh soohdimo xaddidan oo la is la yaqaan, wax aana ku dhaqan ummado iyo dadyow aad u badan aadna u ka la afaf, dhaqammo iyo isirro duwan. Ha ahaatee marka laga hadlayo dhaqanka iyo taariikhda qaaradda badanaa magaca “Afrika” waxaa lagu qeexaa oo keliya dadka midabkoodu madowga yahay ee ka koonfureeya Lamadegaanka Weyn.


Qeexitaanka caynkaas ahi run ahaantii ma laha nuxur sugan oo wax cad inoo macnaynaya, waayo qaybta waqooyi ee af carbeedku ku xooggan yahay qudheeda waxaa ka buuxa isirro iyo afaf aan carab iyo carabi ahayn, qaybta koonfureedna wax u gaar ah oo is wada raacinayaa ma jiraan. Tusaale ahaan koonfurta qaaradda waxaa ku dhaqan malyuumaad dad ah oo isirkoodu ka soo jeedo Yurub iyo Aasiya, kuwaas oo leh afaf iyo dhaqammo afrikaanoobay. Iyada oo sidaas ah haddana waa caado in la iska yidhaahdo “Afrikada Lamadegaanka ka sarraysa” iyo “Afrikada Lamadegaanka ka hoosaysa”.


Taas oo jirta haddana kolka laga hadlayo suugaanta cusub ee Afrika khasab ayay ku imanaysaa in wax la ka la qaadqaado si fahanka loo fududeeyo. Marka heerkaa la joogo ugu yaraan saddex qaybood ayaynnu u ka la dhigi karraa suugaanta cusub ee Afrika: 1) suugaanta ku qoran afafka dhaladka ah, tus.a soomaaliga, sawaaxiliga iyo xabashiga. 2) suugaanta ku qoran af carbeedka, kaas oo aad ugu xidhan asalkiisa oo ah Jasiisaradda Carabta. 3) suugaanta ku qoran afafka Yurub ee qaaradda ka dhaqangalay. Qaybta ugu dambaysa qudheedu waa laba jaad oo mid waxaa qora dadka asalkooda iyo afkooda hooyo Yurub ka soo jeedaan (gaar ahaan Koonfur Afrika iyo Simbaabwi), iyo jaad ay qoraan dad afrikaan ah oo aan afafkaa u dhalan laakiin adeegsada.


Haddaba waxaa laga yaabaa soomaaliga waxbartay in aanu aqoon magaca suugaanyahan keliya oo afrikaan ah, halka uu tixi karo tobannaan Yurub iyo Maraykan u dhashay. Sida kalena waa la mid oo afrikaanka kale waxba ka ma yaqaan suugaanta soomaalida ama ta xabashida ama ta sawaaxiliga ama tu kale oo la qaarad ah. Taa iska daaye xitaa waxaa jiri kara aqoonyahanno aan wax naf leh ka aqoon suugaanta afkooda hooyo. Cilladdu waa dadka reer afrika intooda badan oo ay weli ku yuururto gunnimo fikir oo ku taxan gumayntii dheerayd ee Yurub. Waxay noqotay xaalad la qaayibay oo aan badanaa waxba la iska wayddiin.


Qarniyadii ay Afrika hoos taallay jeedalka ninka cad, qofku waxa uu ku noolaa yididdiilo ah maalin uun in uu ku naalloon doono gobannimadiisa buuxda iyo wax walba oo taa ku jira sida afkiisa, hiddihiisa, dhaqankiisa, sooyaalkiisa iyo garashadiisa xorta ah. Halkudhigga halgankiisu waxa uu ahaa soo dhacsiga waxaas oo maamuus iyo dadnimo ah. Ha yeeshee kolkii ciidankii iyo hay’adihii maamulka gumaysigu dhulka ka guuray, dawladnimadii Afrika dadkeeda ku ma fillaan, dhabna uga ma xorayn gunnimadii dhanka fikirka.


Facii kowaad ee gobannimada u kacay waxa uu abuuray waddaniyad ah dadkiisu in ay heeryada shisheeyaha iska rogaan. Haddana, nasiibxumo, isla facaas ayaa u sabab noqday Afrika in ay ku sii hoos jirto afkii iyo dhaqankii gumaysiga dhanka waxbarashada, warbaahinta, maamulka, iyo halabuurka intaba. Hormuudkaas oo wax ku bartay afafka iyo dugsiyada reer yurub, akhriskiisa iyo awooddiisa halabuur waxa ay ku xidhnaayeen halkaa, sidaa darteed wacyigiisa iyo kartidiisa labaduba waa ay cilladysnaayeen. Adeegsi la’aanta afkiisu waxa ay u diidday ama yaraysay kobcinta aqooneed ee bulshadiisa.


Aqoonyahanka Afrika waxa uu sheegay in uu u halgamayo ka xoraynta qaaraddiisa dhaqanka gumaysiga, soona noolaynayo hiddaha iyo dhaladnimada dadkiisa. Laga soo bilaabo qaybtii hore ee qarnigii tagey waxaa al bilaabay qaar ka mid ah afafka Afrika in la qoro, ha ahaatee duruufo dhaqaale iyo aqooneed baa diidayay afafkaa la qoray in ay buuxiyaan baahida jirta, ama in ay beddel u noqdaan kuwii Yurub ee wax lagu bartay. Taasi waxa ay keentay afafkii Yurub in ay qaaradda ku sii xoogaystaan lana geliyo adeegyada maamulka, aqoonta, warbaahinta iyo halabuurka intaba. Sida muuqata halkaa waxaa ku jirta isburin aad u weyn.


Afrikaanka waxbartay halabuurkiisu isaga oo aan dadkiisa gaadhin ayuu ka mid noqday suugaanta iyo fikirka ummadaha uu afkooda ku qoray. Tusaale ahaan dhammaan suugaanyahannada caanbaxay ama helay abaalmarinnada caalamka ee Afrikida madow u dhashay waa kuwo wax ku qoray afaf qalaad (Chinua Achebe, Wolle Syunga, Nuuruddiin Faarax iqk. Billadda ugu sarraysa dunida ee suugaanta la siiyo waa ta loo yaqaan Nobel ee Akaademiyada Iwiidhan bixiso. Haddaba afar qof oo Afrika abaalmarintaa qaatay laba ka mid ahi waa caddaan ingiriisi wax ku qora, labada kalena midkood waxa uu ku qoray ingiriisi ka kalena carabi. Arrimahaas oo dhami waxa ay ina dareensiinayaa gunnimada luqadeed ee weli Afrika taalla.


Hormuudka aqooneed ee qaaraddu sidaas ayuu afafka yurub uga dhigay wax kiisa ka qiimi sarreeya, isla markas oo uu tusaale iyo hiraal u noqday dadkiisa. Waxa uu ku xoogsaday oo halabuurkiisa iyo fikirkiisa ku gudbiyay afafkaa aadka loo akhristo ee lacagta leh. Halkaas ayay ka timid afafkaasi weli in ay Afrika badankeeda u yihiin afka rasmiga ah. Halkaas ayay ka timid in la shaaciyo taas in aan waxba ku jabnayn.


Dhab ma tahay adeegsiga heer ummadeed ee afafka qalaad in aan waxba ku jabnayn? Run se ma tahay suugaanta lagu qoro af aan keeda ahayni kollayba in ay ka mid tahay suugaanta umadda ay ka dhalatay? Warcelintu si ay inoogu fududaato aynnu ka eegno afar dhinac:


1. Qoraagu yuu u dhashay ummad ahaan?


2. Qoraagu dad ayo ah ayuu wax ka qoraa oo sheekooyinkiisa ku saleeyaa qaran ahaan?


3. Qoraaga suugaantiisu sidee ayay dhadhantaa dhaqan ahaan, dadka ay ka hadashana dabcigooda bulsheed waa qolama?


4. Qoraagu halabuurkiisa afkee buu ku gudbiyaa?


Afartaa masalo ayay tahay in la qiimeeyo kolka la doonayo suugaanta in cid iyo dhaqan loogu abtiriyo. Qofka halabuurka curiyay dhalasho ahaan waa ayo? Suugaantaasi yay ka hadlaysaa? Waa maxay qiyamka, caqliyadda, nafsadda iyo dhadhanka ay ku siinaysaa dhaqan ahaan? Afka suugaantaa lagu curiyay yaa leh? Intaa waxaa lagu sii xoojin karaa qoraaga qudhiisu sida uu haybtiisa u arko.


Haddaba waxaa la dhihi karaa suugaanta iyo waxsoosaarka faneed oo dhami waxa ay ugu dhaladsan yihiin kolka ay afartaa amuurood isu raacaan. Haddii se ay afartu qaybsamaan waxaa aad u miisaan culus labada hoose, waayo waa iyaga asal ahaanba waxa tayada halabuurka lagu eegaa.


Haddii ay sidaa tahay, la ma dhaafi karo xaqiiqada ah cid walba in xil muqaddas ahi ka saaran yahay ilaalinta iyo kobcinta afkeeda iyo dhaqankeeda. Dhimashada afafka qaar iyo adkaanta qaar kale ma jirto cid wax ku helaysaa. Bani aadanka dunida oo dhami haddii uu af qudha ku wada hadlo oo dhaqan keliya wada yeesho saboolnimo iyo foolxumo moyee wanaag laga dheefi maayo.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

Nuxurka Qaraar dawladda Ingiriiska ku cadaadinaya inay Somaliland Aqoonsato oo loo gudbinayo Baarlamaanka Dalkaas




“Waxan u soo jeedinayaa Xukuumadda Ingiriisku inay u aqoonsato dal madax-bannaan Somaliland, kuna dhiirigeliso Xukuumadaha kale ee Adduunka inay sidoo kale aqoonsadaan…”


 “Aqoonsiga Somaliland waxuu kobcinayaa la-dagaallankooda argagxisada, xag-jirka, Budhcad-badeedda, Kalluumaysiga sharci-darrada ah iyo dembiyada halsita ah…” qodobbada qaraarka loo gudbinayo Baarlamaanka Ingiriiska


 Sheffield, 30 March, 2014 (Himilo)- Mid ka mid ah Baarlamaanka magaalooyinka Boqortooyada Ingiriiska, ayaa Baarlamaanka Federaalka ah ee waddankaas UK u gudbinaya qodob ajendohooda ku jira oo ku cadaadinaya inay dawladda Ingiriisku aqoonsato madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay Ingiriisku kala shaqeeyaan Somaliland sidii ay dalalka caalamka iyo Qaramada Midoobay u aqbali lahaayeen aqoonsigaas.


Golaha deegaanka magaalada Sheffield ee dalka Ingiriiska, ayaa maalmaha soo socda ka doodi doona mooshin Xildhinaan ka tirsani ugu jeedinayo XukuumadDa Ingiriiska aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland iyo inay Xukuumadaha kale ku dhiirigeliso aqoonsiga Somaliland.


Xildhibaan Mohammad Maroof oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee magaalada Sheffield ayaa soo gudbiyey qaraar ku saabsan aqoonsiga Somaliland oo lagaga doodi doono fadhi Arbacada soo socota ay yeelan doonaan Xildhibaannada magaalada Sheffield.


Qaraarkan oo shalay lagu baahiyey mareegta Baarlamaanka Sheffield, ayaa lagu sheegay in ajendaha Arbacada laga doodayo ku jiro qaraar Xukuumadda Ingiriiska u soo jeedinaya inay aqoonsato madax-bannaanida Somaliland. Wararka qaraarkan ayey taageereen jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaalada Sheffield iyo guud ahaan Ingiriiska, isla markaana Xildhibaannada magaalada Sheffield iyo magaalooyinka kale ayaa soo dhoweeyey.


Qaraarka xildhibaan Mohammad Maroof soo gudbiyey, isla markaana lagaga doodi doono golaha deegaanka magaalada Sheffield Arbacada oo la xidhiidha aqoonsi xukuumada Somaliland siiso jamhuuriyadda Somaliland ayaa qodobadda u ka kooban yahay ka mid ahaayeen:


 (i) Waxa jira in Xukuumadda Somaliland rumaysan tahay in aqoonsigu kordhinayo dimoqraadiyadda ka jirta Geeska Afrika.


(ii) Aqoonsiga Somaliland waxuu kobcinayaa la-dagaallankooda argagxisada, xag-jirka, Budhcad-badeedda, Kalluumaysiga sharci-darrada ah iyo dembiyada halsita ah.


 (iii) Waxa La rumaysan yahay in aqoonsigu caawinayo xasilloonida Somaliland iyo abuuritaanka jewi keeni kara in shacabku ku noolaadaan nabadgelyo.


(iv) Waxaan soo dhoweynayaa taageerada ololahan ee Xildhibaannada Paul Blomfield iyo Clive Betts ee Sheffield iyo shaqada ay ka wadaan Xildhibaannada isku-jirka Xisbiyada ee kooxda Somaliland, kuna dhiirrigelinayaa Xildhibaannada kale inay taageeraan kooxdan.


(v) Waxan U soo jeedinayaa Xukuumadda Ingiriisku inay u aqoonsato dal madax-bannaan Somaliland, kuna dhiirigeliso Xukuumadaha kale ee Adduunka inay sidoo kale aqoonsadaan.



Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

“Doorashooyinkii way soo socdaan oo waa la tartamayaa…muwaadiniinta Gudaha iyo kuwa dibadduba ha u soo diyaar-garoobaan”




Hargeysa, 30 March, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka hadlay kulamo uu magaalada London ee dalka Ingiriiska kula yeelanayo masuuliyiin ka tirsan baarlamaanka iyo xukuumadda dalkaas.


cirro114Guddoomiye Cirro iyo wefti uu hoggaamaniyo oo isugu jiray xildhibaanno Golaha Wakiillada ka tirsan iyo masuuliyiinta xisbiga Waddani oo shalay si weyn loogu soo dhaweeyey gegida diyaaradaha Heathrow ee magaalada London ka dib socdaallo uu ku galaa bixiyey waddamada Carabta iyo Woqooyiga Yurub, waxa uu sheegay inuu kulamo la qaadan doono masuuliyiin ka tirsan Baarlamanka iyo xukuumadda Ingiriiska, haseyeeshee guddoomiyuhu waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyey nuxurka ay xambaarsan yihiin kulmada uu la qaadanyo masuuliyiinta dawladda Ingiriiska.


Md Cabdiraxmaan Cirro oo war-fidiyeennada kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada London, waxa kale oo uu sheegay inuu kulamo la qaadan doono jaaliyadda Somaliland ee Ingiriiska gaar ahaan taageerayaasha Xisbiga uu guddoomiyaha ka yahay ee Waddani.


“Waxaan u imi inaan la kulmo reer Somaliland iyo taageerashada Waddani. Waxa kale oo aan u imi inaan la kulmo dawladda dalkan iyo Baarlamaanka, iyo inaan la kulmo dad  Somaliland daneeya oo ganacsato ku jirto,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.


Md Cirro oo la weydiiyey in safarkiisu khuseeyo arrimaha Xisbiga Waddani iyo haddii uu la xidhiidho arrimaha Qaranka ee xilka ka hayo, waxa uu yidhi, “Intaba way isugu jiraan; shaqadii aan qaranka u hayey wixii aan u qaban karo waan qabanayaa


Masuuliyiin xukuumadda waddankan ka tirsan iyo Baarlamaanka ayaan la kulmi doonaa.”


Guddoomiyaha la weydiiyey inay sii qorshaysan yihiin kulamada uu la qaadan doono masuuliyiinta dalka Ingiriiska, waxa uu sheegay “Waa qorshaysan yahay, laakiin faahfaahintiisa halkan ka sheegi maayo,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Cirro.


Ugu dambayntii, waxa uu guddoomiyuhu baaq u jeediyey muwaadiniinta Qurbejoogga ah iyo kuwa dalka ku dhaqan, “Shacabka Somaliland waxaan leeyahay, dalkii waa nabdoon yahay oo waa barwaaqo, doorashooyinkiina way ka soo socdaan oo waa la tartamayaa, markaa muwaadiniinta Gudaha iyo kuwa dibadduba ha u soo diyaar-garoobaan,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

Baarlamaanka Somaliya oo Amray in Lacag aanay ogeyn laga saari karin Qasnadda dawladda iyo Mooshin Wasiirro ka dhan ah oo la hor-geeyey




Muqdisho, 30, March, 2014-(Himilo)-  Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa shaaca ka qaaday inaan Baanka dhexe ee dalkaasi laga saari karin lacag aanay ogeyn Guddiga Dhaqaalaha ee Baarlamaanku laga bilaabo wixii ka dambeeya bisha April 2014-ka ee bilaabmaysa.


Guddomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxa uu sidaa ka sheegay fadhigii Mudanayaasha Baarlamaanka ee shalay oo ka qabsoomay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, waxaanu sheegay in wixii ka dambeeya bisha Abriil ee soo socota aan laga bixin doonin Baanka dhexe ee Soomaaliya wax lacag ah oo aanay oggolaannin Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka, iyada oo aan la hubin doono sida lacagtaas loo isticmaalayo.


Prof. Jawaari ayaa fadhiggii Baarlamaanka ee shalay ka sheegay in qoraal ay u diri doonaan 1-da bisha Abriil Mas’uuliyiinta Bangiga Dhexe, taasoo ay kaga codsan doonaan in wax lacag ah oo aanay soo saxeexin Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka aan laga bixin karin khasnadda dowladda. Waxaanu Md. Jawaari oo ka hadlayaa yidhi, “Wax Alle iyo wixii hanti ah ee ku jira qasnadda dowladda Soomaaliya waxaa leh shacabka Soomaaliyeed, shacabkana waxaa wakiil ka ah Golahan, lacag aan oggolaansho looga haysan Golahana lama bixin karo.”


Tallaabadan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo  Baarlamaanka dalkaasi uu qaado tan iyo markii la dhisay sannadkii 2012, balse hore ayuu Guddoomiyuhu u sheegay in lagu xisaabtamayo hantida shacabka Soomaaliyeed iyo sida loo istcmaalo. Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari, ayaa isla kulanka ka sheegay in Xildhibaannada Baarlmaanka Soomaaliya looga baahan yahay inay saacado dheeri ah shaqeeyaan kal-fadhigan afraad iyo midka shanaad ee soo socoda si looga midho-dhaliyo in dalkaasi la gaadhsiiyo sannadka 2016-ka doorasho xor ah.


“Waxaa aad iyo aad looga filayaa baarlamaanka in kal-fadhigan afraad iyo midka shanaad ee soo socda ay dhameystiraan wax walba oo shuruucda loo baahan yahay inay horseedaan geeddi-socodka aan higsanayno ee ah in 2016-ka ay Somalia ka hirgasho doorasho xor ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Baarlamaanka, isaga oo intaas ku daray, “Inta lagu gudo jiro labadan kalfadhi waxaa la doonayaa in la dhiso wixii hay’ado iyo shuruuc ah ee sahlaya in nabadeynta dalka la hirgeliyo loona diyaar-garoobo doorasho xor ah oo qabsoonta 2016-ka,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.


Prof: Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu sheegay in Xildhibaan kasta uu badiyo saacadaha uu shaqeynayo, isagoo Guddiyada joogtada ah ee Golaha Baarlamaanka ka dalbaday inay hawshooda laban-laabaan oo habeen iyo maalinba ay shaqeeyaan si ay u gutaan waajibka dalka iyo dadka ay wakiilka ka yihiin ka saaran.


Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa iyaguna mooshin ka keenay Wasiirrada Arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdillaahi Goodax Barre iyo Wasiirka Amniga Cabdikariin Xuseen Guuleed, sida uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ka sheegay kulankii shalay ee Baarlamaanka.


Guddoomiye Jawaari, ayaa sheegay in qoraal loogu yeedhayo Wasiirradaas ay u diri doonaan, isla markaana ay hor-iman doonaan Baarlamaanka, isagoo xusay inaanay Xildhibaannada soo gudbiyay mooshinka soo qorin su’aalaha ay doonayaan inay Wasiirrada weydiiyaan.


“Waxaa i soo gaadhay mooshin ay saxeexeen 15 Xildhibaan, kaasoo lagu codsanayo in loo yeedho Wasiirrada arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka. Su’aalaha la weydiin doono Wasiirrada waxaan ka dhigi doonnaa kuwa Baarlamaanka kasoo baxa, waayo? Xildhibaannadu may soo qorin su’aalihii Wasiirrada la weydiin lahaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.


Inkasta oo aan la sheegin waxyaabaha la doonayo in wax laga weydiiyo labada Wasiir ee arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, haddana waxay Xildhibaanno ka tirsan kuwa mooshinka geeyay sheegeen in wax laga weydiin doono arrimo la xidhiidha hawl-gallada socda iyo ammaan-darrada ka jirta magaalada Muqdisho.


Wasiirradan ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay ee looga yeedho Golaha Baarlamaanka Soomaaliya si su’aalo  looga weydiiyo howlaha shaqo iyo masuuliyadda ay u xil-saaran yihiin Wasiirro ahaan iyo Wasaarado ahaan-ba, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn xilliga ay hortagayaan Baarlamaanka.


Sidoo kale, Xildhibaanno ka hadlay fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya ee shalay waxa hadalkoodu u badnaa hawl-gallada gobollo ka mid ah dalkaasi ka socda, qiimo-dhaca lacagta Shilin Soomaaliga, dhibaatooyinka dadkii ka barakacay deegaannadii Al-shabaab laga saaray, sugidda ammaanka, Miisaaniyadda dawladda iyo qodobbo la xidhiidha.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland