Saturday, March 22, 2014

Xukuumadda somaliland oo ku dhawaaqday inay ka hortageyso dhaqdhaqaaqa ciidan ee maamul goboleedka puntland ka wado xuduuda




Hargeysa(Himilo):-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa ku dhawaaqay inay somaliland ka hortagayso oo aanay daawanayn dhaqaaqa ciidan ee ay wadayaan maamul goboleedka soomaaliya ee puntland.


Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo maanta warbaahinta ugu waramayey xafiiskiisa ayaa waxa uu yidhi:- “Wax walba waxbaa keena annigu weftigii balaadhnaa ee Madaxweynuhu hogaaminayay ayaan ka mid ahaa waxaanu ka bilawnay dhinaca galbeedka somaliland oo waxaanu tagnay deegaanada  Lughaya iyo Saylac sidaasi awgeed waxaanu nidhi yaan loo kala eexan ee hala wada maro deegaamada xeebaha, markaa waajibkii waddaninimo iyo xilka dalka naga wada saaran annagoo gudanayna ayaanu Laasqorayna u tagnay si aan cidina u odhan annaga nalooma iman oo waa nala dhaafay ayaanu dalka xeebihiisa oo dhan u soo marnay, markaa dambi cidna kamaanu galine deegaankayagii iyo dadkayagii ayaanu u tagnay, laakiin qoladaasi way ka hadleen oo inay yaabeen oo fajiciso ku dhacday ayay sheegeen.”


  “Dhaqdhaqaaq waa  jiraa cida bilowdayna waa puntland annaguna inaanu daawano oo aanu sugno oo marwalba la yidhaahdo maxaa idin keenay waxaa ka qurux badan milatari dhaqdhaqaaq sameeyey milatari dhaqdhaqaaq sameeya ayuu leeyahay xagiisa kalena, Haddii Puntland Faraha dhulka somaliland kala bixi weydana waanu iska celin..”Ayuu yidhi


Ugu dambayntii Wasiirka Cadami oo ka hadlayay sababta soo cusboonaysiisay colaadda ka dhex huraysa Puntland iyo Somaliland,ayaa ku tilmaamay inay la socotay doorashadii Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Gaas oo uu ku tilmaamay nin balaayo doon ah.


“Ninna nabada ayuu ka shaqeeyaa oo wuxuu yidhaahdaa waar aan wada hadalo aan wax iska weydiino waxa inaga dhexeeya, ninna isagoo dhiboo ah ayuu dagaal ku baaqaa oo yidhaahdaa waxbaan xoraynayaa oo uu sara joogga ku ataxiyaadsadaa..”


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment