“Waa Talaabo kamid ah talaabooyinka la rabo in Horumarka lagu wada gaadhsiiyo Bulshada qaybaheeda kala duwan.”
Dhex jooga , dhiiri galinta, iyo dareen la qaybsiga bulshada qaybaheeda jilicda-san waxay maanta ii ahayd farxad iyo qalbi qabowsi.
Burco (Himilo ) Wasiirka madaxtooyada jamhuuriyada somaliland mudane Xirsi Cali X Xasan ayaa xadhiga ka jaray 75guri oo hay’adda NRC u dhista dadweynaha danyarta ah ee ku dhaqan magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer.
Wasiir Xirsi oo maalmihii u danbeeyay socdaal hawleed ku joogay gobolka togdheer ayaa ka xogwaramay dareenkiisa ku wajahan guryahan loo dhisay qoysaska danyarta ah waxaanu yidhi:-
“Saaka oo jimce ah waxaan ka qaybgalay munaasabad ay soo agaasimeen Wasaaradda dib-u-dejinta oo kaashanaysaa hay’adda NRC muhiimadeeduna ahayd in lagu wareejiyo dad danyar ah guryo tiro badan oo loo dhisay.
Waxay ahayd madal aan la soo farxad iyo dareen qaybsanay dadkii calaf iyo sad u helay in ay guryahaas helaan,
Tirada guryaha aan xadhiga ka jarnay ayaa dhamaa 75 guri oo wax wayn ka tari doonaa baahida hoy la’aanta ah ee haysatay.

U naxariisashada bulshadeena qaybaheeda jilicsadasan waa waajib diini ah oo dhamaanteen ina saaran, ka dawlad ahaana waanu ku dedaalaynaa horumarintooda .
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa hay’adda NRC oo mashruucan hirgalisay, isla markaana gacan buuxda ka gaysatay.
Waxaa hubaal ah inay dal horumariyaan dadkiisa oo leh qalbi fiican iyo dareen midaysan isla markaana hiigsanaya yool iyo ujeedo nololeed oo cad
Dhex jooga, dhiiri galinta,iyo la dareen qaybsiga bulshada qaybaheeda jilicdasan waxay maanta ii ahayd farxad iyo qalbi qabowsi.
Waxa run ah in horumarku maalin iyo habeen ku iman balse waxa muhiim ah in aynu leenahay niyad dhisan, samir badan iyo qalbi hiigsanaya hammi sare.
Wa Bilaahi Tawfiiq.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment