Wednesday, March 19, 2014

Hargeysa: Maxkamadda Gobolka oo Xukunno ku Fulisay Rag lagu Qabtay dad lagu Maandooriyaha Khamri

Hargeysa, 19 March, 2014 (Himilo)- Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ayaa shalay Xukunno Isugu Jira Xadhig iyo Ganaax lacageed ku fulisay laba qof oo lagu soo qabtay 1050 Litir oo maandooriyaha Khamriga ah oo ay dalka soo galinayeen.

Dambiileyaasha shalay xukunka lagu riday, ayaa ciidamada booliska degmada Fara-weyne ee Galbeedka magaalada Hargeysa ay gacanta ku dhigeen iyaga oo doonayey inay khamrigan soo galiyaan caasimadda.

kh1Xukunka shalay maxkamaddu ku ridday raggan lagu qabtay qamriga, ayaa maxkamaddu u cuskatay qodobka 4aad ee Xeer lambar 21/ 2002 ee xeerka la-dagaalanka mukhadaraadka qodobkiisa 71aad ee ciqaabta guud iyo ayaada 90aad ee Suuratul Maa’ida, sida uu sheegay ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha gobolka Maroodijeex.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska, guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda gobolka Maroodijeex iyo ku-xigeenka Xeer ilaalinta gobolka, ayaa goob-joog ka ahaa xukunka lagu riday labada dambiile, waxaana maxkamadda horteeda lagu daadiyey 35 shirikaanno khamri ku jiro oo labada nin ee la xukumay lagu soo qabtay.

Guddoomiye ku-xigeenka maxkamada gobolka maroodi-jeex Xuseen Maxamed Jaamac, ayaa halkaas ka akhriyey magacyada dambileyaasha la xukumay, waxaanu yidhi, “Xukunkii maxkamaddu waxa ay ku xukuntay danbiilayaasha kala ah Maxamed Ismaaciil Aadan oo 35 jir, Ina Aniisa Sadex Sanadood Oo Xadhig Ah Iyo Saddex Milyan oo Ganaax ah. Dambiilaha 2aad Cabdi Yuusuf Axmed 23jir, Ina Aamina sadex Sanadood Oo Xadhig Ah Iyo Saddex Milyan oo Ganaax ah. Maxkamaddu waxa ay isna xukun ku riday gaadhigii siday khamriga oo ahaa nooca loo yaqaan Seeraf laguna ganaaxay  shan boqol oo kun.”

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan (Fooxle) oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa bogaadiyey ciidankii fuliyey hawl-galka lagu soo qab-qabtay Maandooriyeyaasha, waxaanu yidhi, “Halkan waxa ay maxkamadu ku xukuntay Khamri ay soo qabteen ciidanka boolisku oo dhan kun iyo kontan litter oo Khamri ah, waxaana soo qabtay saldhigga Faro-wayne ee qabta galbeed waxaanan aad ugu mahad naqayaa ciidanka booliska ee ilaaliya shuruucda dalka u taala, waxaana aad u amaanaya taliyaha saldhiga galbeedka iyo ciidankiisa ee hawl galka adag ugu jira sidii ay dalka uga bad-baadin lahayeen mukhadaraadka.”

No comments:

Post a Comment