
Weriye Maxamuud Walaaleeye oo ka tirsan Wargeyska Himilo, ayaa Taliyaha wax ka weydiiyey jiritaanka Xogahaas la baahiyey, waxaanu Taliyuhu kaga jawaabay; “Eedahaas waxa qoray dad ceebayn wada, ninka la sheegayo ee Maxamed Siciid Atom, saddex sannadood ka hor ayuu Koonfur tegay, inkastoo aasaaskii jabhaddii ka dagaallantay Mijayahan uu nala shaqeyn jiray. Xilligaas Al-Shabaab muu ahayn, anigana qolada Majeerteen ee halkaas joogta maaddama aan ahaa Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Sanaag, oo igula colloobay hawlahii aan kaga hortagayey dhaqdhaqaaqyadooda ayaa faafiyey, oo xitaa waxa ka hadlay Madaxweynahii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole.”
Mar uu Muuse Delef ka jawaabayey Hub la sheegay inuu sannadkii hore ka soo degay magaalo-xeebeedda Xiis ee gobolka Sanaag, oo Al-Shabaab lahayd, isaguna dhigay guri ku yaal magaaladda Ceerigaabo, sida lagu sheegay warbixinta, ayuu yidhi; “Warkaasi mid jir maaha, Hub Xiis ka soo degay ama aqal aan geeyey ma jiro, ninka la sheegay inaan xidhiidh leenahayna ma jiro. Xilliga ay sheegayaan inuu hubku soo degay ee January 2013, anigu ma joogin Ceerigaabo, intaan gobolka Sanaag joogay hub ayaa magaalada Xiis ka soo degay ma maqal.”
Sido kale, Dalaf oo ka jawaabayey maaddaama oo xilliga laga soo beddelay Ceerigaabo ay ahayd April, 20013, in wakhtiga hubku soo degay uu joogay Ceerigaabo, waxa uu yidhi; “January 2013, haddaan joogay, wax hub ah oo Xiis ka soo degay ma jiro. Sirdoonka iyo guud ahaan gobolka Sanaag iyo magaalada Ceerigaabo halla weydiiyo. Waa sheeko dacaayad ah oo qolada Puntland abuureen, kuna doonayeen inay anniga igu maagaan.”
Mar la weydiiyey in Maxamed Siciid Atom hore uga tirsanaa Ciidanka Qaranka Somaliland, sida la sheegey, ayuu Dalaf gebi ahaanba beeniyey, waxaanu ku jawaabay; “Ciidanka Qaranka kamuu tirsanayn. Jabhad aannu taageeri jirnay oo Mijayahan ka dagaallami jirtay ayuu ka tirsanaa. Waan qirsanahay inaan taageernay Jabhaddii Mijayahan oo Somaliland ka tirsan ka dagaallamaysay, Berigaana waxaan isku haynay Macdan Puntland doonaysay inay ka qoddo deegaanka. Saddex sannadood Atom ma joogin Galgala, Koonfur ayuu ku maqan yahay.”
Muuse Jaamac Delef oo ka jawaabayey sida Somaliland uga diyaargaroobi karto halis kaga timaadda Malleeshiyaadka Al-Shabaab ee Buuraha Galgala, ayuu ku jawaabay; “Waa Suurtagal in Al-shabaab-ta lagu soo jebiyo Koonfur soo galaan Buuraha Galgala. Markaa, waa in Somaliland u diyaargarowdaa, oo wax layska weydiiyo. Ma aamminsani tabaha lagaga hortegi karo in Warbaahinta lagu qoro. Waa in guud ahaan Somaliland talo ka yeelato, qof kastoo talo ka bixin karana wax laga weydiiyo.”
No comments:
Post a Comment