Tuesday, March 25, 2014

Wasiir Samaale Oo cadeeyey damaciisa siyaasadeed ee musharaxa jagada madaxweynaha




Hargeysa (Himilo) Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa cadeeyey damaciisa siyaasadeed ee mustaqbalka waxaanu ku dhawaaqay inuu isu soo taagi doono tartanka jagada Madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye dhexdiisa xilliga madaxweyne silaanyo ka dib.


samaaleWasiir Samaale oo maanta warbaahinta ugu waramayey xafiiskiisa ayaa ka hadlay arrimo la xidhiidha damaciisa siyaasadeed, heerka axsaabta qaranka iyo waliba jagada guddoomiyaha xisbiga kulmiye.


Wasiir Samaale oo ka hadlay  xaalada axsaabta siyaasada somaliland ayaa waxa uu yidhi:- “dalka somaliland waxa ka hirgalay nidaamka dimuqraadiyada ee ku salaysan axsaabta tirada badan waxaana samaysmay  axsaabta Ucid, Kulmiye iyo Udub  balse isbedelkii ka yimid doorashooyinkii dalka ka qabsoomay ayaa waxa saaxada siyaasada ka baxay xisbigii Udub oo ahaa xisbigii ugu weynaa oo ay ku jireen haldoorkii somaliland, balse waxay ku kala biireen siyaasiyiintaasi saddexda xisbi ee  haatana jira ee  kala ah Kulmiye,Ucid iyo Waddani, ninba kii uu u arkay in siyaasadiisu ka dhex shaqayn karto, sidaasi awgeed


Nidaamka axsaabta ee dalkeena ka jiraa waa nidaamka aynu jecelnahay in aqoonyahanka iyo dadka wanaagsan ee aragtida dheer lihi ku soo baxaan, oo aynu kaga baxno nidaamka qabiilka oo aanu qofku wax ku doonin reer hebel baan ahay, balse uu wax ku doono annigaa wax ah, oo aqoontan ayaan leeyahay iyo waxaas ayaan ummadda u qabanayaa, dabadeedna ummaddu sidaa codka ku siiso”.


Wasiir Samaale oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa kale oo uu sheegay  “waxaan  ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga kulmiye, waxaanan ka mid noqday xubnihii ummaddu dooratay  golaha wakiilada  doorashadii ugu horeysay ee golaha wakiilada, waxaanan  xisbiga kulmiye uga soo baxay hargeysa, ka dibna waxaan noqday guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada, maantana waxaan ahay wasiirka maaliyada waxaanan mar walba ahaa oo aan ahay xisbiga kulmiye, xilli walba salaada joogta ayaa la tukadaa, maanta qaranku madaxweyne ayuu leeyahay oo waa Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo), waxaanu dastuurku siinayaa inuu tartami karo laba jeer, teeramkii koowaad ee shanta sanadood ahaa ee Silaanyo madaxweynaha la doortayna wali muu dhamaan, waxaanu ku eeg yahay 15ka july 2015, islamarkaana waxa uu  xaq u leeyahay inuu mar labaad isa soo sharaxo, isagaanay ku xidhan tahay oo annigu ka hadli maayo”.


Wasiir Samaale waxa kale oo uu ku dhawaaqay  damaciisa siyaasadeed ee mustaqbalka waxaanu yidhi:-


“annigu hore ayaan u sheegay haatana dib ayaan idiinku celinayaa, annigu dalka waxaan rabaa inaan madaxweyne ka noqdo marka teeramka labaad ee madaxweyne silaanyo dhamaado, ama uu silaanyo haakah yidhaahdo, waxase ay taasi ku xidhan tahay tartan xisbiga dhexdiisa iyo axsaabta kaleba ah. Waxaanse maanta ku taageersanahay walaalkay Muuse Biixi inuu yahay guddoomiyaha xisbiga kulmiye, oo waan uga hadhay oo kulama tartamayo waanan ku taageerayaa guddoomiyenimada xisbiga kulmiye iyadoo  dhawaan shirweynaha soo socda lagu dooranayo, laakiin wixii kale wali lama gaadhin oo waa mustaqbalka”.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment