Thursday, March 27, 2014

Dawladda Hoose oo soo Bandhigtay Khariirad cusub oo Hargeysa Yeelanayso

Hargeysa, 27 March, 2014 (Himilo)- Dawladda Hoose ee Caasimada Hargeysa, ayaa shalay soo bandhigtay Khariirad ay yeelanayso caasimadda oo dadka ku cusub u tilmaamaya goobaha ay muraadka ka leeyihiin.

Khariidad samayntan waxa isla kaashaday Dawladda Hoose iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee UN-Habitat, waxa shaacinteeda lagu soo bandhigay munaasibad lagu qabtay hoteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa, waxaana khariiraddani sahlaysaa in qofkasta uu ka helayo goobtu u baahdo sida Hoteeladda, xafiisyadda dawladda iyo goobaha muhiimka ah.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAKulan lagu soo bandhigayey waxa ka soo qaybgallay Maayarka Caasimadda, Xoghayaha Dawladda Hoose, xildhibaanadda golaha deegaanka iyo madaxda Hay’adda maalgalisay mashruucan.

Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo ka hadlay  kulankan lagu soo bandhigayey khariirada cusub ee ay  yeelan doonto caasimada Hargeysa, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin soo bandhigida khariiradan cusub, waxaanu tilmaamay inay dawlada Hoose ee caasimada Hargeysa ay magaalada u samaysay nashqad cusub oo tilmaamaysa qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay caasimadda iyo dhismayaasha caanka ah ee ku yaala.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA“Dawladda Hoose waxay samaysay goobihii muhiimka ahaa iyo waddooyinkii inay galiso mapekan oo qofkii ku cusub ama aan kala garanayn u sahlaysa inay goobta ay rabaan iyadoo cidi tilmaamin toos u tagaan, waxaana mapelkan dhigi doonnaa madaarada,”ayuu yidhi Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid.

Sidoo kale,kulankan lagu soo bandhigayey khariiradda cusub caasimada Hargeysa, waxa ka hadlay madaxa qorshaynta dhulka iyo nashqadaynta ee hay’adda UN-Habitat Emrah Andenis, kaas oo sheegay inay ku faraxsan yihiin inay caasimada Somaliland u sameeyaan khariiradan, isaga oo ku nuux-nuuxsaday muhiimadda iyo kaalita uu ka geysan karo soo-jiidashada dadka dalxiisa ka ah ee magaalada Imanaya.

No comments:

Post a Comment