Gaalkacyo, 29 March, 2014 (Himilo)- Kooxda Al-Shabaab oo inta badan laga saaray deegaamo ay hore gacanta ugu hayeen maamulkooda oo ku kala yaalla gobollada dhexe iyo kuwa Koonfurta dalkaasi Soomaaliya, ayaa isku-urursaday deegaamada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug qaarkood, sida uu shaaca ka qaaday Madaxweynaha Maamul-goboleedka Galmudug.
Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, ayaa shaaciyey inay kooxda Xag-jirka ah ee Al-Shabaab isku urursatay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Maamulkiisa, isla markaana waxa uu walaac ka muujiyey saamaynta taban ee ay ku yeelan karaan amniga iyo kala dambaynta deegaannadaas ka jira, isaga oo sheegay inaanay iyagu Maamul ahaan haynin awood ay kula dagaallamaan kooxdaas.
Waxa uu Madaxweyne Cabdi Qaybdiid oo warbaahinta la hadlay, sheegay inay xidh-xidheen Rag ka tirsan Al-shabaab oo ay ku qabqabteen magaalada Gaalkacyo, isla markaana ay jiraan boqollaal Al-Shabaab ah oo deegaannada gobolka Galmudug dhuumasho ku tegaya, ka dib markii Al-Shabaab laga saaray deegaannada ay ka talinayeen ee gobollada Galmudug Shabeellaha dhexe, Hiiraan iyo Shabeellaha hoose ee dalka Soomaaliya. Waxa uu xusay Qaybdiid inay jiraan xubno kale oo kooxdaa ka tirsan oo Gaalkacyo ku dhuumanaya.
“Saameyn ayey nagu yeeshen howlgallada lagaga qabsadey Al-Shabaab deegaannadii ay joogen, balse waxaa Gaalkacyo soo gaadhay dhammaanba dagaal-yahannadi Al-Shabaab, qaarkood way hubeysanyihiin, inay dhibaato geystaanna diyaar bay u yihiin. Annagu awood aan iskaga difaacno ma lihin, waxaana jirta in Xabsiyadu naga buuxan.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Maamul-goboleedka Galmudug Cabdi Qaybdiid.
Madaxweyne Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, waxa uu ku baaqay in laga taageero la-dagaallanka Al-Shabaab, isaga oo ku celceliyey inay soo buuxiyeen Gaalkacyo iyo deegaannada kale ee nabdoon, waxaanu si gaar ah uga codsaday dawladda federaalka Soomaaliya inay Al-shabaab kula dagaallaman deegaamada ay u firxadeen ee Puntland iyo gobolka Galmudug ka mid yihiin.
Cabsida laga qabo Qaxoontiga ama Firxadka Kooxda Al-Shabaab ee Shabakadda Argagixisada ee Al-Qaacida ka tirsan, ayaa waxaa ka mid ah dareenka Madaxweynaha Galmudug ka muujiyey, iyada oo gobolka Galmudug uu yahay mid wadaajiya ama ay wada deggan yihiin Maamullada Puntland iyo Galmudug, halkaasoo ah deegaannada ugu dhaw ee nabaddu ka jirto ee ay u gudbi karaan, markay ka qaxayaan gobollada dhexe iyo kuwa dhinaca Koonfur Bari ee ay Al-Shabaab laga qabsaday, qaarna ay ka socdaan hawlgallada dagaal ee ay Ciidammada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika ee dagaallada ka caawinayaa kula jiraan Kooxdaas.
Sidoo kale, dawladda Somaliland iyo Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa iyagu marar badan walaac ka muujiyey Al-Shabaab oo ay sheegeen inay ku soo qaxayso deegaannada Buuralayda Galgala oo ku dhaw xadadka ay wadaagaan Somaliland iyo Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, gaar ahaan dhinaca gudaha Puntland ku yaal, halkaasoo ay maleeshiyaad Al-Shabaab ku biiray kula dagaallamayeen dhawrkii sano ee u dambeeyey Ciidamada Maamul-goboleedka Puntland.
Saraakiisha Ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM, dawladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, ayaa iyaguna hore u shaaciyey in markay xoojiyeen dagaallada ay kula jiraan Al-Shabaab ay bilawday inay u qaxaan dhinaca Buuralayda Galgala oo ah meel ay u arkayaan inay difaac ahaan ku nabadgeli karaan, iyaga oo hore uga digay saamaynta ay Qaxoontiga Al-Shabaab ee Galgala iyo dhinaca Badda ku qaxayaa ku keeni karaan deegaamada Soomaalidu degto ee ay nabadgelyadu ka jirto.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment