
Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud Jaamac oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doorto Bariga gobolka Sanaag oo ka hadlay Shirkaa Jaraa’id, waxa uu yidhi; “Madaxweyne kastaa waxa uu jecel yahay inuu shacabkii soo doortay wax qabad gaadhsiiyo, waxaanan qabaa in Madaxweynaha hadda ee Somaliland uu wax qabad ballaadhan sameeyey. Waxaana mudan in lagu taageero dedaalkaas uu sameeyey.”
Sidoo kale, Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee laga soo doorto gobollada Bariga oo isaguna Kulan-Saxaafadeedkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay tallaabo aad loogu farxo oo ay soo dhawaynayaan uu yahay Safarka Madaxweynuhu ku gaadhay Laas-qoray. “Madaxweyne waajibkaagii ayaad gudatay, ummadana waxaan leeyahay mar haddii uu Madaxweynuhu waajibkiisii ka soo baxay waajibka innaga inna saaranina waxa weeyaan in qofkii wax qabtay aynu u abaal-gudno, Madaxweynahana ugu abaal-gudno inaynu shanta sano ee danbe dooranno.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi.
Sidoo kale, Xildhibaan Cali Maxamed Xasan (Cali-Marreexan) iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha gobollada Bariga Fu’aad Aadan Cadde oo iyaguna ka hadlay Shirkaa Jaraa’id, ayaa soo dhaweeyey Safarka uu Madaxweynuhu ku marayo gobollada dalka, iyaga oo sheegay inuu yahay safar uu Madaxweynuhu wax badan kaga ogaanayo xaaladda ay ku sugan yihiin dadka reer Somaliland. Waxaanu Fu’aad Aadan Cadde, sheegay in Safarka Madaxweyne Siilaanyo yahay farriin iyo wax-sheegmo, sidaa awgeedna loo baahan yahay in la fahmo.
“Madaxweynuhu Laasqoray iyo Lawyo-caddo ayuu isu maray, waxbuu inna barayaa Madaxweynuhu, waad arkayseen Dabbaashii Berbera. Nin Wasiir ah baan saaka (Shalay) la hadlay, oo aan idhi waar bal warran, wuxuu igu yidhi; ‘Wallaahi annaga wuu naga muuqdaa (Safarku), inuu aqalkiisii Hargeysa ka soo toosay baaad mooddaa Madaxweynuhu quruxda. Markaa, waxaan leeyahay Madaxweynuhu wax buu innoo sheegaye aynu innaguna waajibkeenna gudanno.” Sidaa ayuu yidhi La-taliyaha arrimaha Bariga ee u qaabbilsan Madaxweynaha Fu’aad Aadan Cadde.
Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ah Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda hawlaha guud ee Somaliland, ayaa shirkaa ka sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo tahay tii ugu wax-qabadka badnayd marka la barbar-dhigo Xukuumadihii ka horreeyey ee dalka soo maray oo uu qaarkood Wasiir ku xigeen ka soo noqday, waxaanu yidhi; “Intii Somaliland dhisnayd haddii la isu geeyo wax-qabadkooda, xukuumadda maanta jirta Xukuumad ka wax-qabad badan maan arag.”
No comments:
Post a Comment