
Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Xafiiska arrimaha Soomaaliya ee UNSOM Nicholas Kay, ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya kulan kula yeeshay shalay Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya Tedros Adhanom, waxaanu Mr. Kay ku ammaanay dawladda Itoobiya hawlgallada dagaal ee ay Ciidammadeeda oo taageeraya kuwa dawladda Soomaaliya ka wadaan dalkaas, isla markaana ay Kooxda Al-Shabaab kaga qabsadeen deegaanno ka tirsan gobollada dhexe ee Soomaaliya.
War kooban oo uu Nicholas Kay ka soo saaray magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, ka dib kulanka uu Wasiirka arrimaha dibedda ee dalkaas la yeeshay shalay, waxa uu ku yidhi; “Qaramada Midoobay waxa ay soo dhaweynaysaa dadaallada ay Itoobiya uga qayb-qaadanayso in Soomaaliya ay cagaheeda dib ugu istaagto.”
Waxaa kale oo Danjire Kay uu dowladda Itoobiya ku ammaanay dagaalka ay kaga saareen qaybo ka mid ah gobollada dalka kooxda Al-shabaab oo bilo ka hor maamulaysay degmooyin muhiim ah oo iminka dib ugu soo gacan galay dowladda Soomaaliya iyo ciidamda taageeraya.
“Itoobiya waxaa ka go'an in ay laba jibaarto taageerada ay u fidinayso dowladda Soomaaliya si kor loogu qaado nabadda iyo xasiloonida hadda bilaabatay.” Sidaana waxa lagu yidhi war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya. Waxaanay dawladda Itoobiya ugu baaqday Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka in ay kordhiyaan taageerada ay siinayaan Somaaliya si gar-gaar loo gaarsiiyo goobaha hadda laga saaray kooxda Al-shabaab.
Dawladda Ethiopia, waxay ballan-qaadday in ay si dhow ula shaqayn doonto dowladda Soomaaliya iyo waliba cid kasta oo ka shaqaynaysa nabaddeeda sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Urur-goboleedka ay ku Midoobeen dalalka Bariga Afrika ee IGAD. Waxaanay Itoobiya ka mid tahay dalalka Midawga Afrika ee ay Ciidammadu ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya, si ay dawladda Federaalka ah uga taageeraan la-dagaallanka Kooxda Al-Shabaab.
Geesta kale, Ciidammada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya oo is-garabsanaya, ayaa Kooxda Al-Shabaab dagaal qadhaadh oo ay la galeen ka dib, waxay shalay ka qabsaday Degmada Ceel-buur ee gobolka Galguduud, iyadoo labada dhinacba uu jiro khasaare ka soo gaadhay dagaalkaas, ayay Saraakiil Ciidammada dawladda iyo kuwa Itoobiya u hadlay ay sheegeen inay 11 dagaal-yahan ka dileen Al-Shabaab, Baabuur kuwa dagaalka ahna ay ka gubeen.
Wararka laga helayo Degmada Ceel-buur oo ka tirsanayd deegaannada ay Al-Shabaab ugu awoodda badnayd, isla markaana ay sida buuxda uga talinayeen, ayaa sheega in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay kala gaadheen Ciidammada Huwanta Itoobiya iyo Soomaaliya oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo dhinac ay soo kala gaadheen.
Hase-yeeshee, ay hadda magaaladaas iyo nawaaxigeeda si buuxda gacanta ugu hayaan Ciidammada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya, inkasta oo aan la saadaalin karin sida ay xaaladda nabadgelyo ee degmadaasi noqon doono, maaddaama oo ay Al-Shabaab marka laga awood bato ama dagaal toosa lala galo dadka Shicibka ah ka mid noqoto. Isla markaana mid kasta oo ka mid ah deegaannada laga saaro ay ka fuliyaan weerarro Ismiidaamin ah oo khasaare badan geysta xataa Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
No comments:
Post a Comment