
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo ka hadlay muddo-kordhin loo sameeyo xukuumadda xisbiga Kulmiye oo muddooyinkii u dambeeyey la hadal-hayey, ayaa yidhi, “Siilaanyo maalinta uu wakhtigu ka dhammaado hadday doorasho dhici waydo albaabku ka baxayaa, sow Daahir Rayaale muu odhan jiri albaabka ha ka baxo, sow maanu diidi jirin hal sanno in la kordhiyo, tii baa dul-taagan. Dawlad ku meel-gaadh ah oon Kulmiye ahayn baa la samaynayaa. Kordhis dambe yeeli mayno.”
Dhinaca kale, Guddoomiye Faysal waxa uu sheegay inuu daneeyeyaasha dimuqraadiyadda Somaliland kala hadlay qaabkii loo hirgelin lahaa diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha oo wakhtigeeda ku qabsoonta, waxaanu yidhi, “Waxaan Maqnaa 13 Beri, waxaan soo maray waddamada Itoobiya, Kenya iyo Tansaaniya, socdaalkayguna wax uu ahaa in aan la soo kulmo Dawlada Xidhiidhka inala leh iyo daneeyayaasha Dimuqraadiyada Somaliland muhiimad ugu weyna waxay ahayd in aan ka raarido sida aynu ugu bahanahay in laynaga caawiyo Diwaangalinta Codbixiyaasha, oo runtii ay ka wada shaqeynayeen dawlada iyo Saddexda Xisbi sidii diwaangalintasi loo sameyn lahaa.”
“Waxa aan u sheegay inay muhiimad weyn inoo leedahay hirgelinta diwaangalinta iyo dhibaatada ka iman karta haddii ay doorashadu dib u dhacdo, go’aankii aanu wada saxeexnay Saddexda xisbi iyo wasaaradda arrimaha gudaha waan u geeyey, markaa iyaguna way inoo balanqaadeen in hawshii dhinacooda ka qabtaan,” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal.
No comments:
Post a Comment