Saturday, March 22, 2014

Xaasaska Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo lagu Amray inay ka baxaan Kismaayo




Kismaayo, 22 March, 2014 (Himilo)- Maamulka ka arrimiya magaalada Kismaayo ee Koonfurta, ayaa muddo 48 Saacadood ah u qabtay inay magaaladaas kaga baxaan Xaasaska Maleeshiyaadkii Kooxda Shabaab oo hore looga saaray magaalada.


Cod-baahiyeyaal gaadhi la saaray ayaa shalay laga maqlayey magaaladaas, kuwaas oo loogu sheegay dumarkan oo weli ku dhuumanaya magaalada inay 48 saacadood gudahood kaga baxaan magaalada.


“Waa inaad ka baxdaan magaalada ka hor intaanu dhamaan wakhtiga la idiin qabtay,” ayaa lagu sheegay codbaahiyaha.


Wasiirka Arrimaha Bulshada maamul-goboleedka Kismaayo Ibraahim Maxamed Macalin, ayaa dhawaan sheegay in maamulkoodu talaabo adag ka qaadi doono haweenka maleeshiyaadkii Shabaab oo arrimo basaasnimo looga shakiyey.


Todobaadkii la soo dhaafay ayaa ciidamada maamul-goboleedkaasi, hawlo-gallo kaga sameeyeen magaaladaas, waxa ay ku baadheen guryo badan oo ku yaala Kismaayo, halkaas oo looga shakiyey inay ku jiraan kooxo la tuhmay inay maleegayeen weeraro lala beegsado saraakiisha maamulka ka taliya magaalada Kismaayo.


 


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment