
Shirkan ayay Madax-dhaqameedka ka qaybgalay markii hore intooda badan isku raacsanaayeen in Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland xidhiidhka loogu jiro, isla markaana lagaga hadlo arrimo la xidhiidha adkaynta nabadgelyada iyo xoojinta qaddiyadda Qarannimada Somaliland, hase-yeeshee, shirkaas ayuu shalay hadheeyey khilaaf siyaasadeed iyo dhaqaale loogu adeegayo dhinaca Puntland. Halka ay dawladda Somaliland u muuqato inaanay si dhaw ula soconnin xaaladda deegaankaas ka socota iyo dhaqaalaha lagu soo faraqay toona.
Mid ka mid ah Madaxda dhaqanka ee waday in Shirkaas Puntland xidhiidhka loogu jaro, ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in Shirkaas markii ay Madaxda dhaqanku si fiican isugu fahmi waayeen, la iska dhex-saaray Guddi Odayaal ah oo go’aammo ka soo saara si aan dadka deegaanka la isaga hor-keenin, hase-yeeshee, Guddigaas ayaan iyaguna illaa saacado dambe oo xalay ah aan wax go’aan ah ka soo saarin xaaladda shirka ee markay cakirantay Guddiga loo saaray.
“Meesha waxa ka socda hirdan siyaasadeed iyo faro-gelin Maaliyadeed oo ka imanaya dhinaca Soomaaliya iyo Maamul-goboleedka Puntland oo ay Siyaasiyiinta Maamulladaa Beesha gobolka kaga jiraa wadaan iyaga oo soo dhex-maraya Madaxda Dhaqanka qaarkood oo u adeegaya, markaa shirka Badhan aannu ku yeelannay oo qorshihiisu ahaa inaannu maanta (shalay) go’aanno ka soo saarno noomay suuragelin, ka dib markii Madaxda Dhaqanka qaar ka tirsan oo Dhaqaalahaas xambaarsani ay Oday-dhaqameedyadii kala furfureen oo ay shirkaba ajandihii aannu kala hayn beddeleen.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Madaxda dhaqanka ee Shirka Badhan ku sugan oo codsaday inaan magiciisa la shaacin.
Waxaanu intaa sii raaciyey oo yidhi; “Ka dibna markii ay xaaladdu cakirantay aannu joojinnay shirka, isla markaana nidhi si aan dadka loo kala qaybin waa in Guddi loo saaraa. Somaliland iyo Masuuliyiinta gobolka u dhashay ee ka tirsani waxaad moodddaa inay waxan Badhan ka socda iyo faro-gelinta siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay Soomaaliya iyo Puntland nagu hayaan inaanay kaba war-haynin oo ay ka seexdeen.”
Waxaanu intaas ku daray inaanay Guddigaasi illaa xilli dambe oo xalay ah oo aannu la xidhiidhnay wax go’aan ah oo ay soo saareen jirin, isla markaana laga war-sugayo waxa ay soo saaraan, iyaga oo Madax-dhaqameedka Shirka Badhan ka soo qaybgalay ay xalay kala fadhiyeen, ka dib markii ay iyaga oo maalmihii u dambeeyey iskaga soo horjeeday ajandayaal ay kala wateen, haddana ay ku sii kala fogaadeen shirka shalay ee natiijo la’aanta ku dhammaaday.
Wararka magaalada Badhan aannu ka helnay, ayaa sheegaya shalay inay Shirka Dumar iyo Dhalinyaro Huwan Calanka Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay shirkaasi guubta uu ka socday isa soo hor-tubeen, iyaga oo doonayey inay shirkaas carqaladeeyaan haddii loogu adeegi waayo Puntland, hase-yeeshee, Ciidanka Qaranka iyo Booliska ee halkaas jooga ayaa kala dareeriyey oo Xabbado kor ugu riday, sida uu noo xaqiijiyey Taliyaha Saldhigga Ciidanka Qaranka Somaliland ee Badhan Gaashaanle Yaasiin Cismaan Saalax (Guray).
Guddoomiyaha gobolka Badhan Cabdixakiin Axmed Maxamuud, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo isagu dhinaca Puntland u adeegaya iyo Boqor Cabdikariim Cali Garaad oo isaguna dhinaca Somaliland ah, ayaannu isku daynay inaannu arrimaha shirkaas iyo waxa khilaafka hadheeyey shalay sababay, ayaanay noo suuragelin inaannu wax war ah ka helno, ka dib markii ay taleefannadooda gacanta oo aannu xalay marar badan ka wacnay naga qaban-waayeen.
Hase-yeeshee, wararka laga helayo magaalada Badhan waxay tibaaxayaan in halkaas ay ka taagan tahay xaalad siyaasadeed oo cakiran, isla markaana uu Maamul-goboleedka Puntland doonayo inuu dhaqaale ku carqaladeeyo degganaanshaha iyo midnimada Beelaha gobolka Badhan iyo deegaannada ku xeeran ee Somaliland wada-dega, ka dib markii Siyaasadda maamulkaasi halkaas uga shaqayn wayday, isla markaana dagaal cad oo Ciidan ay ku carqaladayn kari waayeen xasilloonida gobollkaas. Sidaa daraaddeed, waxaa dawladda Somaliland ku waajib ah inay ku baraarugsanaato faragelinta dhaqaale ee markii Maamul-goboleedka Puntland faro-gelinta Ciidan ku fashilmay uu bilaabay.
No comments:
Post a Comment